The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesHud [Hud] - Somali translation - Jacob
Surah Hud [Hud] Ayah 123 Location Maccah Number 11
1. Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey2, Xagga Xakiim, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).
2. Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.
3. Oo weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin, una toobad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada).
4. Waa xagga Alle meel noqodkiinna, wax walbana wuu Karaa.
5. Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu (Alle) Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay4 rugtiisa hoyaadka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay kuwa gaalooba odhan: (Qur’aan)kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah.
8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.
9. Haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusta, xaq diiddo iyo abaal dhac badan.
10. Haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib dhib taabtay, wuxuu odhan: Way i dhaafeen dhibaatooyinkii, wuxuu noqdaa mid farxa faan badan.
11. Kuwa samra mooyee oo samaha fala, kuwaas waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida.
13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.
15. Qofkii raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimeyn.
16. Kuwaa weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; waxaana buri waxay ku faleen dunida camallo san, waxbana kama jiraan waxay falayeen.
17. Ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, uu akhriyo markhaati Xaggiisa ah8, hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis (baa la mid ah mid adduun uun dooni); Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray (Qur’aanka). Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. Hubaal waa Xaq ka yimid Rabbigaa, intooda badanse dadku ma rumeysna.
18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna9 waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay (Alle) Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.
19. Kuwa ka weecsha (dadka) Jidka Alle lana dooni qallooc, Aakhirana rumeysneyn.
20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labalaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
21. Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen.
22. Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan.
23. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.
24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?
25. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad.
26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro).
27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee rumeyn diiday (Xaqa) ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal.
28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?.
29. Tolkayow! Idinku weydiisan maayo (gaarsiinta Diinta Alle) maal, abaalgudkeyga Alle baa ii haya. Mana ahi mid eryaya kuwa (Xaqa) rumeeyey. Hubaal waxay la kulmi Rabbigood, Waxaanse arkaa inaad tihiin qolo moog oo aan garaneyn (Weynida Alle iyo Haybaddiisa).
30. Tolkayow! Yaa iiga gargaari oo iga celin Alle (Cadaabkiisa), haddaan eryo? Ee miyeydaan waansameyn?
31. Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Alle, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinmana odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Alle baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan noqon ku gefay oo ku gardarrooday.
32. Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Waad nala doodday oo aad badisay la doodistayada, ee noo keen waxaad noogu gooddineyso (oo cadaab ah), haddaad run sheegayso.
33.Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni kara Alle, hadduu doono, mana baxsan kartaan.
34. Waxna idiinma tarto waanadeyda, haddaan doono inaan idin waaniyo, hadduu Alle rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Xaggiisaana la idiin soo celin.
35.Mise waxay leeyihiin wuu been abuurtay (Qur’aanka)?Dheh: Haddaan been abuurtay, denbigayga aniguu i saaran yahay, aniguna barii baan ka ahay waxaad dambaabtaan.
36. Waxaa loo waxyooday Nuux inaysan ku rumeyneyn qolodaada wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxay falaan.
37. Oo ku samee Doonni Indhahayaga hor- tooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, hana igala hadlin arrinka kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala; waa la harqine.
38. Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan.
39. Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya, kuna dego cadaab joogto ah.
40. Jeer markuu Amarkayagii yimid 10 oo tinnaarkii biyo burqaday, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray (in la halligayo: xaaskii Nuux iyo wiilkiisa Kancaan, waxaana badbaaday Saam, Xaam iyo Jabiit), iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.
41.(Nuux) wuxuu yidhi: Ku kora (doonnida) Magaca Alle, oo ay ku socon kuna joogsan. Hubaal, Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
42. Way la socotay (doonnidii) hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Maandhow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.
43. Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Alle cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la harqiyey.
44. Waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Allena) hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda daalimiinta ah.
45. Wuxuuna Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, ballan qaadkaaguna waa Xaq, Waxaadna Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta.
46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.
47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.
48. Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo Xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda ummado ka mid ah kuwa kula jira (waa mu'miniinta, waxaase jiri doona) ummado (kale oo gaalo ah) aan u raaxeyn (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab xanuun badan (Aakhirada).
49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira shirkiga iyo xumaha kale).
50. Caadna (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.
51. Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (Dhambaalkan), abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray (Alle). Ee ma waydaan haddaba wax fahmeyn?
52. Tolkayow! Weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin una toobad keena, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, idiinkuna darayaa xoog xooggiinna, hana jeesannina idinkoo denbiilayaal ah.
53. Waxay yidhaahdeen: Huudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, kagamana tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), kumana rumayneyno.
54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.
55. Ee Isaga (Alle) ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, hana i siinnina wax fursad ah.
56. Anigu waxaan tala saartay (isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay) Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiinba, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. (Allaah) Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan).
57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.
58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.
59. Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.
60. Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Ogaada, hubaal, Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud.
61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya14, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una toobad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).
62.Waxay yidhaahdeen: Saalixoow!Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (ee ah Towxiidka Islaamka).
63. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, cilmi) Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah, yaa iiga gargaari (cadaabka) Alle, Haddaan ku caasiyo? Iimana kordhisaan waxaan aheyn khasaaro.
64. Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow15.
65. Wayse boqna gooyeen hashii (oo gowraceen). Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn.
66. Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah.
67. Qeylo weyn (qarax daran) baana qabtay16 kuwii dulmiga falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda.
68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix).
69. Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah (dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud). Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow daa'in iyo abad). Wuxuu ku jawaabay, Salaam (nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan.
70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.
71.Marwadiisuna (Saarah) waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay18, waxaana ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub.
72. Waxay tidhi: Waa la yaabe! Miyaan dhali anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Arrinkani waa wax la yaab leh.
73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.
74. Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo u timid bishaaradu, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qolodii Luud.
75. Hubaal Ibraahiim waa dulbadane, qalbi jilicsan19, toobad keen badan.
76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn.
77.Markay Rusushayadii (malaa'igta ahayd) u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray20 wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.
78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Alle oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
79. Waxay yidhaahdeen: Waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdha- haaga, waadna og tahay waxaanu rabno.
80. Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh.
81. Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Waxnana kuma gaarsiin karaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, waxaa ku dhici, waxa ku dhici iyaga, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subaxu dhoweyn?
82. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marin- nay, Waxaana roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga.
83. Laga soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, mana aha wax ka fog daalimiinta (gar diidka).
84. Madyanna (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, hana dhimina beegga iyo miisaanka, waxaan idinku arkaa khayre (maal); oo hubaal waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wax koobeysa.
85. Tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, hana ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, ha ku bi'inninana dhulka fasaadkaad faleysaan.
86. Waxa ku baaqiga ah Alle agtiisa ayaa idiin roon haddaad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere.
87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudaan aabbayaashayo, ama inaanu ku falno maalkayaga waxaan doonno? Adigu uun waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah23.
88.Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun iyo cilmi) xagga Rabbigay, ina siiyey (Nabinnimo) iyo risiq (xalaal ah) wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo aanan doonayna inaan idiin daba maro falidda waxaan idinka reebo. Ma doonayo waxaan wax wanaajin ahayn intaan karo. Mana jiro waxaan Alle ahaynoo i waafajin kara talada toosan. Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, Xaggiisaana ula noqon (toobad).
89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.
90. Ee weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin una toobad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii toobad keenta).
91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf dhexdeenna.
92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Alle? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan.
93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waadse ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).
94. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda (ummadahaasoo dhan waa la rogay).
95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud.
96. Waxaana dhab ahaan la soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad.
97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoonna ma aheyn mid toosan.
يَقۡدُمُ قَوۡمَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَأَوۡرَدَهُمُ ٱلنَّارَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡوِرۡدُ ٱلۡمَوۡرُودُ [٩٨]
98. Wuxuu hor kici tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni hoos xagga Naarta, xumaa halka la keenayo.
99. Waxaana lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda iyo Maalinta Qiyaamaha24, xumaa waxa loo kordhin (oo Cadho Alle iyo Cadaab ah).
100. Arrinkani waa warkii (aayihii) magaalooyinka aan kaaga qisoonno (Nabiyow); waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay.
101. Oo ma aanu dulmiyin, iyagaase dulmiyey nafahooda. Waxna uma tarin ilaahyadoodii Alle sokadi ay baryi (caabudi) jireen, markuu yimid Amarka Rabbigaa, umana ay kordhin waxaan aheyn baabbba’.
102. Waa sidaasna qabashada Rabbigaa markuu qabto magaalooyinka iyagoo gar diid ah dulmi fali, hubaal, Qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.
103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.
104. Uma dib dhignona waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey.
105. Maalintay iman, nafna ma hadleyso Idankiisa la’aanti, markaasi waxaa ka mid ahaan kuwo xun oo khasaaray iyo (kuwo) liibaanay.
106. Kuwa hoogay waxay ku sugnaan Naar; waxay ku leeyihiin dhexdeeda cartan iyo hiinraag25.
107. Iyagoo ku waari dhexdeeda intay jiraan samooyinka iyo arladu, wuxuu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha wuxuu doono.
108. Kuwase liibaanay ee farxaddu u ahaatay, waxay ku sugnaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya intay jiraan samooyinka iyo arlada, wuxuu Rabbigaa doono ma’ahee, waa deeq aan go’eyn oo daa'in ah.
109. Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood kal hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Cadaabka) oo aan waxba laga dhimeyn.
110. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay, haddaysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa; waa la kala xukumin lahaa dhexdooda, waxaana iyaga kaga jira shaki daran (Qur’aanka).
111. Oo dhammaan wuu u oofin Rabbigaa camalladooda si dhan. Hubaal Alle waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal.
112.Ee hay kuna sugnow dhabbaha toosan (ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee toobad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan.
113.Ha ka raalli noqonnina oo ha u iliinana kuwa dulmiga (shirkiga iyo xumaha) fala, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo.
114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, arrinkani waa u waano kuwa waana qaata28 .
115. Oo samir yeelo; hubaal, Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.
116. Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Kuwiina dulmiga falay waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, waxayna ahaayeen denbiilayaal.
117. Rabbigaa uma halaago magaaloo- yinka dulmi iyagoo ay dadkoodu wanaagga is faraan (xumahana iska reebaan).
118. Hadduu doonona Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan.
119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna Alle u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya).
120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.
121. Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa.
122. Oo suga (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa.
123. Alle baana iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaana ma aha mid moog waxaad falaysaan.