عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Thunder [Ar-Rad] - Somali translation - Jacob

Surah The Thunder [Ar-Rad] Ayah 43 Location Maccah Number 13

2. Alle waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga, Wuxuuna (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeelaa caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin.

4. Waxaana dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba2, lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.

7. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.

8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo6, iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba7. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.

9.(Alle) Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya.

12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo riman.

14. (Alle keliyaa) mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Kuwaana ay baryaan (caabudaan) sokadiisa waxba uma ajiibi karaan, waxayna ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaadhaan afkiisa, mana gaadhayaan, baryada (cibaadada) gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadil11.

15. Waxaa Alle u sujuuda (oo u hoggaan- san) wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda aroor kasta iyo galbihiiba.

16. Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa12, oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).

17. Wuxuu (Alle) ka soo dejiyaa biyo daruuraha, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, wuxuu daadku qaadaa sidoo kale alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaasuu Alle tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaasuuna Alle u yeelaa tusaalayooyinka.

18. Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno). Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Jahannama; oo u xun gogol ahaan.

22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).

24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).

26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.

27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (toobad keena).

29. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha aayatiin wanaagsan14 bay leeyihiin iyo rug u laabasho fiican (Janno).

32. Waxaa lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa (Nabi Muxammadow), markaasaan siiyey fursad kuwii xaqa diiday ee gaaloobay, kaddibna waan halaagay. Ee sidee mid daran u ahaa Ciqaabkeygii?.

33. Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki16 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka), qofkiina Alle uu lumiyo17, ma laha wax hanuunin.

35. Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Cadaabkiisa) loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), cidhibta gaaladuna waa Naar.

36. Kuwa aan siinnay Kitaabka18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, "Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u toobad keeno)".

37. Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna.

39. Alle Wuxuu tiraa wuxuu doono (oo ka mid ah axkaanta iyo qeyrkoodba) oo uu sugaa (wuxuu doono oo ka mid ah), Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka 20.

40. Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno (oo cadaab ah) ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (diinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu.

41. Ma waysan arkayn inaan ku keenno baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda (furasho ama abaar)?21 Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.

42. Kuwii ka horreeyey baana tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar), gaaladuna way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah).

43. Waxayna kuwa gaalooba odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Alle baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka22.