The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe cave [Al-Kahf] - Somali translation - Jacob
Surah The cave [Al-Kahf] Ayah 110 Location Maccah Number 18
1. Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah ee ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) addoonkiisa(Nabi Muxammad) oo aan u yeelin wax qallooc ah2.
2. Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).
3. Ay ku negaadi weligood.
4. Una digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay wiil (ama ilmo).
5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.
6. Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda), haddaysan rumeyn (Qur’aankan) walbahaar dartiis.
7. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.
8. Waxaana ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah (arlada markay dunidu dhammaato) ban gabiib ah oo engagan.
9. Mise, ma waxaad mooddaa in (dhacdadii) qolodii hogga iyo looxa (ay ku qornaayeen magacayadoodu)3 ay yihiin ku- wa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan4?
10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.
11. Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.
12. Haddana ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.
13. Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.
14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda5 samir (iyo iimaan), markay kaceen6 oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.
15. Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?
16. Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudaanba Alle maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan.
17. (Haddaad joogi laheyd), Waxaad arki lahayd qorraxda markay soo baxdo oo uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, markay dhacdona ka goyneysa gadaal xagga bidix, iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Alle. Qofkuu Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkuu lumiyana (madaxa adeyga iyo denbi badnidiisa darteed) u helimeysid gargaare hanuunsha.
18. Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifay7, waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.
19. Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh, yeysanna cidina idin ogaan.
20. Hadday idin ogaadaan way idin dhagaxyeynayaan, ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, mana liibaaneysaan markaas weligiin .
21. Sidaasaan uga yeellay8 (dadka) inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin9. (Waxaan tusinay) markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo10; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.
22. (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.
23. Ha odhanna waxaasaan fali berritoole.
24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah “Hadduu Alle idmo12". Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.
25. Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).
26. Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.
27. Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.
28. Oo ku samirsii naftaada inaad ahaato la jirka kuwa barya (caabuda) Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, hana dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, hana adeecin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca hawadiisa, arrinkiisuna yahay gabood fal.
29. Dhehna: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo; Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi, hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo.
30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha, Annagu ma dayacno abaalgudka ciddii wanaajisa camalka.
31. Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo.
32. Ugu soo qaadna tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan.
33. Mid walbaa labada beeroodba ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, kana burqinnay dhexdooda webi.
34. Midhona uu leeyahay markaasuu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Anaa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon.
35. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa13. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.
36. Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican.
37. Wuxuu yidhi saaxiibkiis isagoo la doodaya; Ma waxaad rumeysayneyn Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana mani yar oo nool, haddana kaa dhigay nin dhan.
38. Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada.
39. Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog iyo xeelad aan ka imaan xagga Alle? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay.
40. Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn.
41. Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto.
42. Waana la koobay midhahiisii (la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu (kor iyo hoos u)geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna.
43. Uma ahaanin koox u gargaarta Alle sokadi, mana aha mid gargaarta.
44. Halkaasi14, awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib wanaagsan.
45. Ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso, Allena wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.
46. Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.
47. Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.
48. Waxaana la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.
49. Waxaana la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal, mana dulmiyo Rabbigaa axadna.
50. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (rukuuca) Aadam, oo ay u sujuudeen (rukuuceen) Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuuna caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiinta.
51. Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.
52. (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwaad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.
53. Waxayna arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.
54. Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah, Aadmiguna waa kan wax walba ugu dood badan.
55. Ma jiro wax ka reeba dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn inay u timaado wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.
56. Umana soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.
57. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u faleen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.
58. Rabbigaana (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.
59. Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.
60. (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.
61. Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.
62. Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen raashinkayaga subaxa; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.
63. (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!
64. (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.
65. Waxayna heleen addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi16.
66. Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.
67. (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.
68. Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?
69. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.
70. (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.
71. Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.
72.Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?
73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo17, hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.
74. Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.
75. (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan: Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?
76. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga.
77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan18; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.
78. (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday.
79. Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab.
80. Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac.
81. Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow.
82. Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday.
83. Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga.
84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab (cilmi).
85. Wuxuu raacay waddo.
86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah19, oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay qiraan ashahaadada) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).
87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala (oo naga fallaagooba)20, waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.
88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.
89. Markaasuu raacay waddo (kale),
90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan21.
91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.
92. Markaasuu raacay waddo (kale),
93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba22.
94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug23 ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?
95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.
96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.
97. Mana karin (Yajuuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.
98. (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigayna waa xaq.
99.Waxaana u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale, waxaana la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan24.
100. Waxaana u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig.
101. Kuway indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada25, ee aan kari jirin inay maqlaan (Waanada).
102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.
103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?
104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?
105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa26. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.
106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.
107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws27 degitaan (marti qaad) ahaan.
108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).
109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay28, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.
110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi (Allaah).