The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Cow [Al-Baqara] - Somali translation - Jacob
Surah The Cow [Al-Baqara] Ayah 286 Location Madanah Number 2
1. Alif laam miim2.
2. Kitaabkaa (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa (dhowra amarrada Alle ee) iska jira (shirkiga iyo xumaha kale).*
3. Ee ah kuwa rumeysan Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon sida malaa’igta, Jannada, Naarta, iwm), ooga salaadda, waxaan siinnayna wax ka bixiya.
4. Ee (ah)kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa3, Aakhirona yaqiinsan.
5. Kuwaasaa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, waana kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
6. Kuwa gaalooba (ee macangagga ah madax adag) waa isugu mid haddaad u digto iyo haddaadan u digin, ma rumeynayaan.
7. Wuxuu Alle ku dhigay shaabbad daboosha quluubtooda iyo maqalkooda, araggoodana waxaa ku rogan Caad4. Waxayna leeyihiin cadaab weyn.
8. Waxaa ka mid ah dadka kuwo (munaafiqiin ah) yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Alle iyo Maalinta Aakhiro oo aan ahaynba mu’miniin.
9. Waxay (dooni inay) dagaan Alle iyo kuwa rumeysan, mase dagayaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
10. Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Alle u kordhiyey cudur. Waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed.
11. Marka lagu yidhaahdo: Ha fasaadanina (hallaynina) arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun wax hagaajiyaal.
12. Ogaada, hubaal, Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi ee wax halleeya, mase ay dareensana.
13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku wax u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga.
14. Markay la kulmaan kuwa (Xaqa) rumeysan, waxay (munaafiqiinta) yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay innaguba. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda (madaxdooda xun), waxay yidhaahdaan: Innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay.
15. Alle baa ku jees-jeesi, wuxuuna kaga tagi xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan.
16. Kuwaasi waa kuwa iibsada habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacooda ma keeno wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan.
17. Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, wuxuu Alle ka qaaday nuurkoodii, ugana tegay gudcurro mugdi ah oo aanay waxba arkeyn
18.(Xaqa) waa ka dhego la’ yihiin, af la' yihiin, indho la' yihiin, umana soo laabtaan.
19. Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruuraha oo wata gudcurro madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowdka. Allena waa ku hareersan yahay gaalada (iyo munaafiqiinta).
20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa.
21. Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrtaan (amarrada Alle oo Isaga jirtaan shirkiga iyo xumaha kale).
22. Allahaasoo idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo (ilaahyo been ah) aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah).
23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo Waxyi ah, keena Suurad la mid ah (Qur’aanka), una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
24. Haddaydaan falin, mana faleysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagax (sanamadii ay caabudayeen), ee loo diyaarshay gaalada.
25. Ugu bishaaree kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, inay leeyihiin beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo midho, Waxay odhan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, waxaana la siiyey iyagoo isu eg (muuqaal ahaan kala duwan se dhadhan ahaan), waxayna ku leeyihiin dhexdeeda (Jannada) xaasas la daahiriyey, wayna ku dhex waari weligood.
26. Alle kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale - kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma kuwa rumeysan, waxay og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, kuwase gaalooba waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Alle tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, kuna hanuuniyaa in badan. Kumana habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha (macangagga ah).
27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Alle kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Alle uu amray in la xidhiidhiyo (oo la wanaajiyo sida qaraabada iyo deriska), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray7.
28.Sidee baad (dadow) ugu gaaloobeysaan Alle idinkoo ahaa meyti (ku jira uurarka hooyooyinkiin) buu markaa idin nooleeyey (naf idin galiyey), dabadadeed idin dhinsiin, dabadeedna idin soo nooleyn mar kale (Aakhirada), kaddibna Xaggiisa la idiin soo celin (Qiyaamada).
29. (Alle) waa Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan, markaas u qasday samada, oo aheysiiyey toddobo samood, wax walbana wuu Og yahay.
30. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga oo ku hufna, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.
31. Wuxuu (Alle) baray Aadam magacyada shey waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan.
32. Waxa yidhaahdeen: "Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan. Ma lihin cilmi aan aheyn waxaad na bartay". Hubaal waa Adiga wax kasta Ogaha, Xakiimka ah.
33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu (Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaan?
34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam (waa rukuuc salaan ah), markaasay sujuudeen (rukuuceen salaan ahaan) Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ahaaday mid ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa).
35. Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada, oo ku cuna bashbash iyo barwaaqo meeshaad doontaanba, hase u dhowaannina geedkan, si aydaan ugu dhicin gef (denbi).
36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh.
37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey8, wuuna ka toobad aqbalay. hubaal (Alle) waa Toobad Aqbalaha, Naxariista Badan.
38. Waxaanu nidhi: Ka dega xaggeeda (Jannada) dhammaantiin, markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, qofkii raaca Hanuunkayga, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
39. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeday ku dhex waari weligood.
40. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran, ee ah inaad rumeysaan Nabi Muxammad), waxaan oofin ballantaan idinka qaaday (oo ah inaan markaas idinku abaalmariyo janno), Anigoo Keliyana iga cabsada.
41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha).
42. Hana ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah,oo ha qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon.
43. Ooga salaadda, bixiyana Sakada, lana rukuuca jamaca Rukuucayaasha.
44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna9 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?
45. Kaalmaystana Sabarka iyo salaaddda, wayna ku weyn tahay (culus tahay salaadda) kuwa khushuuca mooyee.
46. Kuwa huba inay la kulmi Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban (Qiyaamada).
47. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna Anigoo idiin soo diray Rusul oo idinku soo dejiyey Kutub oo idinka yeelay boqorro).
48. Iska jirana Maalin marka aysan nafi wax u tareyn naf kale, oo aan laga aqbaleyn shafeeco, lagana qaadanayn madax furasho, loona gargaareyn.
49. (Xus) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon10, ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
50. (Xus) markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan harqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkaya.
51. (Xus) markaan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad yeelateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), waxaad tihiinna daalimiin (gar ma qaatayaal ah).
52. Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib si aad u mahdisaan (Alle).
53. (Xus) markaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kala saaraha (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u toobad keena Uumihiinna oo is dila11, Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay toobaddiinnii, hubaal waa Toobad Aqbalaha, Naxariista Badan.
55. (Xusa) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysaneyno jeer aan u aragno Alle si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo eegi.
56. Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, si aad u mahdisaan (Alle, af, uur, iyo addinba).
57. Waxaana har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (kimis macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; waxbana nooma dhimin, waxayse uun dulmeen oo wax u dhimeen nafahooda.
58. (Xus) markaan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaan bashbash iyo barwaaqo, galana albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (denbiyada), Waanu idiin dhaafi (markaa) gafafkiinna, waxaana u kordhin sama falayaasha (ajar).
59. Markaasay ku beddeleen kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumahakale) falay hadalkii lagu yidhi mid aan ahayn, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwaasi dulmiga falay cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed.
60. (Xus) markuu Muuse u biyo doonay qolodiisii, markaasaan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halkay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Alle, hana ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasaad.
61. (Xusa) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa,oo leh bagalkiisa, qiyaarkiisa, sareenkiisa, toontiisa, digirtiisa iyo basashiisa. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? U daadega magaalo uun, waxaad ka heli waxaad dalabteen. Dulli iyo darxumo baana lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Alle (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Alle, oo ku dileen Nabiyo gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen.
62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Alle iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
63. (Xusa) markaan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxaan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (shirkiga iyo xumaha kale).
64. Markaasaad jeesateen intaas kaddib, haddaanu Fadliga Alle iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray.
65.Waxaad dhab ahaan ogtihiin(Yuhuudey) kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, Waxaanuna ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan oo deyro ah.
66. Waxaana ka yeelnay ciqaabtan mid ay ku cibrad qaataan kuwaa joogay waqtigaa iyo kuwii ka dambeeyey iyo waano ku socota kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) .
67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.
68. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Alle) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray.
69. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkee- du. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu cad yahay, ay u bogayaan arkayaasha.
70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan.
71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti).
72. (Xusa) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allese wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen.
73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed13. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda)14 intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey 15, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
77. Miyeyna ogayn in Alle og yahay waxay qarin iyo waxay muujin?
78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda).
79. Hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Alle, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed (oo denbiyo ah).
80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Alle, marka Alle ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Alle wax aydaan ogeyn?
81. Haayoo, Qofkii kasbadaa xume (ku dhaca shirki) ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.
82. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala16, kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
83. (Xusa) markaan la galnay Ilmahii Isaraa’iil ballan (leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, waalidkana u sama fala, qaraabada, agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan.
84. (Oo xusa) markaan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), hana iska qixinnina guryahiinna, markaasaad qirteen idinkaana marag ka ah.
85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah17? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
86. Kuwaasi waa kuwa gatay nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabka lagama khafiifiyo loomana gargaaro.
87. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waxaana soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxa daahirka (Jabriil). Ee ma mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, miyaad is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen.
وَقَالُواْ قُلُوبُنَا غُلۡفُۢۚ بَل لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفۡرِهِمۡ فَقَلِيلٗا مَّا يُؤۡمِنُونَ [٨٨]
88. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Quluubtayadu waa qufulan yihiin. Mayee, Alle baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan.
89. Markuu uga yimid (Yuhuudi) Kitaab (Qur’aan) xagga Alle rumeynaya waxay haystaan (Towraadda), iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markuu u yimid (Nabi) ay garteen bay rumayn diideen. Ee naclad Alle dushooda ha ahaato gaalada.
90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Gaaladuna waxay leeyihiin cadaab dulleysa.
91. Marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Alle soo dejiyey (Qur’aanka), waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo dejiyey (Towraadda). Waxayna beeniyaan waxa la barbar ah (sida Qur’aanka), isagoo xaq ah rumeyn waxay haystaan (oo Kitaab ah). Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Alle kal hore, haddaad tihiin mu’miniin?
92. Wuxuu dhab ahaan Muuse idiin la yimid xujooyin cad, markaasaad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii, waxaadna tihiin daalimiin.
93. (Xusa) markaan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen:Waan maqallay waana caasinnay. Waxaana laga waraabiyey Quluubtooda (jaceylkii) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin.
94. Dheh: Hadday daarta Aakhiro Alle agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, janta dhimasho haddaad run sheegaysaan.
95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Allena wuu og yahay daalimiinta.
96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Allena wuu arkaa waxay falayaan.
97. Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo dejiyey (Qur’aanka) qalbigaaga Idanka Alle, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), waana u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
98. Qofkii cadow u ah Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Rusushiisa iyo Jabriil iyo Miikaal, hubaal Alle waa u cadow gaalada.
99. Waxaanu dhab ahaan kugu soo dejinnay (Nabi Muxammadow) Aayado cad, mana beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha.
أَوَكُلَّمَا عَٰهَدُواْ عَهۡدٗا نَّبَذَهُۥ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ [١٠٠]
100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
101. Markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Alle (Nabi Muxammad) oo rumeyn waxay haystaan (ee ah Towraadda), ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Alle (Towraadda) dhabarradooda gadaashood, sidii oo ayna garaneyn.
102. Waxayna raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen19 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor ama nin) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Alle idmo ma’ahee. Waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Waxayna ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Alle) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.
103. Hadday rumeeyaanna (Xaqa) oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), abaalgudka Alle baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen.
104. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha odhannina Raacinaa (na dhowre, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn oo xun) oo ahaada daacad wax maqla. Gaaladana waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
105. Kuwa gaalooba ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado (Muslimiintoy) xagga Rabbigiin. Alle wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa cidduu doono. Allena waa Rabbiga leh Fadliga weyn.
106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?
107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan20 Rasuulkiinna sidii Muuse horey loo su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.
109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Alle wax walba wuu Karaa.
110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran21. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.
112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).
113. Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan wax wanaagsan; Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan wax wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaasoo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn (mushrikiinta), sida waxay yidhaahdaan oo kale. Ee Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsan yihiin.
114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Alle, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada.
115. Alle baana iska leh bariga iyo galbeedkaba, meel kastoo aad u jeedsataanna waxaa jira Wejiga Alle. Hubaal Alle waa Deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.
116. Waxay (Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta) yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay wiil (ilmo). Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo hufan. Wuxuuse leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada, dhammaan Isagay adeecsan yihiin.
117. Waa unkaha samooyinka iyo arlada. markuu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuu yahay.
118.Kuwa aan waxba ogeyni (mushrikiinta) waxay yidhaahdeen: Muxuu Alle noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan.
119. Waxaan Annagu kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, waxnana lagaa weydiin maayo asxaabta dabka ololaya (ehlu Naarka, waayo xilkaagu waa gaarsiinta diinta keliya oo xil kaama saarna rumeyntooda).
120. Kaama raalli noqonayaanna Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda (iyo dhaqankooda). Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka), kaasaa ah hanuunka (Xaqa ah). Haddaad raacdona hawadooda kaddib cilmiga kuu yimid, ka heli meysid xagga Alle sokeeye iyo gargaare midna.
121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo22, kuwaa baa rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.
122. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii).
123. Iska jirana Maalin aanay nafi abaal u galeyn naf kale, madax furashona laga aqbalayn, shafeecona aanay wax u tareyn loona gargaareyn.
124. (Xus) markuu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan kaaga dhigi Imaam (hoggaamiye) dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid ubadkeyga. (Alle) wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.
126. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. (Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise gaalooba, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun meel la ahaado.
127. (Xus) markuu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beytka (Kacbada) iyo Ismaaciil (iyagoo leh): Rabbigayow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta, wax kasta Ogsoon.
128. Rabbigayow! Naga yeel kuwo kuu hoggaansan (kana soo saar) ubadkayaga ummad kuu hoggaansan, nana tus hababkayaga cibaadeysiga, nagana toobad aqbal. Hubaal Waxaad Adigu tahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
129. Rabbigayow! U soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga, barana Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah.
130. Yaa isaga taga diinta Ibraahiim (Islaamka), mid makas jaahil ah maahee? Waxaan hubaal ku doorannay (Ibraahiim) adduunkan, Aakhirana wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.
131. (Xus) markuu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansamay (Allaah) Rabbiga uumanka.
132. Wuxuuna u dardaarmay isla arrinkaa Ibraahiim ilmahiisii, Yacquubna wuu u dardaarmay(wuxuu yidhi):Maandhooyinow! Alle wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.
133. Mise ma waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudeysaan gadaashay? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, Isagaanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan.
134. Taasi waa ummad tagtay: Waxay leedahay waxay kasbatay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Mana la idin weydiinayo inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.
135. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim (Islaamka), toosnahii, kamana aanu mid aheyn mushrikiinta.
136. Dhaha: Waxaanu rumeynay Alle iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Mana kala sooceyno axad ka mid ah (Rususha), oo (Alle) baan u hoggaansannahay.
137. Hadday rumeeyaan waxaad rumeysan tihiin oo kale, waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan waxay uun ku sugan yihiiin gaalnimo iyo khilaaf. Alle baana kaaga filnaan doona. Waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
138. Qaata Aslidda (diinta) Alle, yaana ka wanaagsan Alle aslid (diin) ahaan. Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa.
139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Alle Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada.
140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Allena ma mooga waxaad fashaan.
141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay leedahay (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Mana la idin weydiinayo inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.
142. Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta qaarkood) waxay odhan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen23? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa leh Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka24, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii hore). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.
144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (ee Makkah), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Allena ma mooga waxaad fashaan.
145. Haddaad u keentona kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada. Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Haddaad raacdona hawadooda kaddib Cilmiga kuu yimid, markaa waxaad ka mid noqon gar diidka.
146. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) siday u gartaan wiilashooda oo kale. Koox ka mid ahna waxay qariyaan Xaqa (arrinka Qiblada, tilmaamaha Nabiga, iwm) iyagoo ogsoon.
147. Xaqu wuxuu ka yimid (Alle) Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha.
148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
149. Meel kastoo aad u baxdo (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada); oo hubaal waa Xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Alle ma mooga waxaad fashaan.
150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.
151. Waliba sidaan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan horey u aqoon.
152. Ee i xusa aan idin Xusee25, oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina26.
153. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Kaalmaysta samirka iyo salaadda. Hubaal! Alle wuxuu la jiraa kuwa samirka badan.
154. Ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Alle waa meyd; mayee way nool yihiin, waydaanse dareemeyn.
155. Waxaan idinku imtixaani wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra.
156. Kuwa markay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Alle baa na leh27 oo Xaggiisaana u noqon.
157. Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda yihiin barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan.
158. Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood28, qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
159. Kuwa qariya29 waxaan soo dejinnay oo Aayado cad ah iyo hanuun, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwaa weeye kuwa uu Alle nacladi, oo kuwaa wax naclada (malaa'igta, iyo mu'miniinta) ay nacladi.
160. Kuwa toobad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwaa weeye kuwa aan ka toobad aqbali. Waxaana ahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
161. Kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwaa weeye kuwa ay korkooda yihiin Nacaladda Alle, iyo malaa’igta, iyo dadka oo dhan.
162. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, mana la siiinayo nafis.
163. IIaahiinnu waa Ilaah keliya (Allaah), ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
164. Abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo wuxuu Alle ka soo shubo daruuraha oo biyo (roob) ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabeylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.
165. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Alle sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Alle. Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle. Hadday arki lahaayeenna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Alle, iyo in Alle uu Daran yahay Cadaabkiisu.
166. Marka kuwii la raacay (ee madaxda ahaa) iska barii yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabka, oo uu kala go'o xidhiidhkoodii.
167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Mana aha kuwo laga soo bixin Naarta.
168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka30, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
169. Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa macsida iyo xumaanta (sida zinada, ku daadinta dhiig xaq darro, xatooyada, cabbista khamrada, ribada, iwm), iyo inaad ka sheegtaan Alle wax aydaan u lahayn aqoon.
170. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo, raaca waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raaci waxaan ka hellay Aabbayaashayo. Ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn.
171. Mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa (xoolo) aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Waa kuwo (gaalada Xaqa ka) dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka ma garowsadaan.
172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Alle (af, uur, iyo addinba), hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan.
173. Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta (baqtiga), iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Alle. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax denbi ah oo saaran korkiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
174. Kuwa qariya waxa Alle soo dejiyey oo Kitaabka ah, siistana qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Alle lama hadlayo Maalinta Qiyaame, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
175. Kuwaa weeye kuwa iibsada habow halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Denbi Dhaafka. Ee ku dhiirranaa (denbiyada lagu galo) Naarta dabka aan dameyn ah.
176. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle u soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq. Kuwase isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
177. Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; waxaase sama ah inuu qofku rumeysan yahay Alle, Maalinta Aakhiro, Malaa’igta, Kitaabka (Alle) iyo Nabiyada, ee siiya maal isagoo jecel32 kuwa qaraabada ah, agoomaha, masaakiinta, musaafirka (go’doonsan), kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oofiyana ballantooda markay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga, jirrada iyo dagaalka - Kuwaa weeye kuwa run sheegga ah, oo kuwaa weeye kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
178. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, waana in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Arrinkani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
179. Waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad u dhowrsataan.
180. Dardaaran baa la idinku waajibiyey markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaarmo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah33. Waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) 34.
181. Qofkiise beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, denbigeedu markaa wuxuu saaran yahay uun kuwa beddela. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
182. Qofkiise uga cabsada eex ama denbi dardaarmaha ee ka sameeya heshiis35 dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna denbi korkiisa. hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
183. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idinku faral yeelay soon36 sidii loogu faral yeelay ummadahii idinka horreeyay, si aad (u dhowrtaan Amarrada Alle oo) isaga jirtaan xumaha.
184. Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. kuwaa aan awoodinna (inay soomaan)37 waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin38. Qofkii iskii u falaa khayr isagay u roon tahay. Inaad soontaan baana idiin khayr badan haddaad og tihiin.
185. Bisha Ramadaan ee la soo dejiyey Qur’aanka, hanuun u ah dadka iyo caddeymo hanuun iyo kala saarid (Xaqa iyo baadilka). Ee qofkii jooga (degaankiisa isagoo fayow) ha soomo, qofkiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tirada (maalmahaa uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Alle wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad (xurmo) weyneysaan Alle inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad ku mahdisaan.
186. Markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, Anigu (waa Alle'e) waan dhowahay, waan ajiibaa baryada markuu qofku i baryo (toos, dhexeeye la'aan isagoo cidna ii soo marin sida anbiyo ama awliyo ama qeyrkood). Ee ha i ajiibeen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.
187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna39, wuuna idinka toobad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).
188. Ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon.
189.Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Mana aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.
190. Kula dagaallamana Jidka Alle kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina. Hubaal Alle ma jecla xad gudbayaasha.
191. Ku dila (kuwaa weerarka idinku ah) meeshaad ka heshaanba, kana saara meeshay idinka saareenba. Fidnada (faafinta shirkiga iyo gaalnimada) baana ka daran dilka. Hana kula dagaallamina Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaallamaan. Haddayse idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas jazaha gaaladuye.
192. Haddayse ka joogaan (xumaha), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
193. La dagaallama (gaalada) si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi (iyo dulmi), Diintuna u ahaato tan Alle oo keliya. Hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn daalimiinta.
194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale41. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).
195. Ku bixiyana wax jidka Alle, hana isugu tuurina gacamahiinna tahluko (wax bixin la'aan), una sama fala (dadka); hubaal Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
196. U dhammeystira Xajka42 iyo Cumrada Alle darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi43 waxaad heli kartaan ah, hana xiidhina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid44 ama bixin sadaqo45 ama neef gowracid46, markaadse aamin tihiin, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wuxuu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood markaad laabataan, intani waa toban buuxda. Arrinkani wuxuu ku gaar yahay midka aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Ogaadana in Alle ciqaabkiisu daran yahay.
197. Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan47. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood48 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Alle wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!
198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeq Rabbigiin49. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Alle Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa siduu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.
199. Markaas ka dareera meeshuu dadku ka dareero, weydiistana denbi dhaaf Alle, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin50 ama xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.
201. Waxaa ka mid ahna kuwo yidhaahda: Rabbigayow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, nagana badbaadi cadaabka Naarta.
202. Kuwaasi waxay leeyihiin qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Allena wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta.
203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan52; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood (waa maalinta 12aad ee Xajka), ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara (Maalinta 13aad) ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
204. Waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Alle waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka53.
205. Markuu jeesadana wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, Allena ma jecla fasahaadka.
206. Marka lagu yidhaahdo, Alle ka cabso (oo iska jir Ciqaabkiisa); qabweyni u geyso denbi. Ee Naar baa ku filan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
207. Waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Alle54, Allena wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa.
208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal! Wuxuu idiin yahay cadow cad.
209. Haddaad sidbataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, ogaada inuu Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Alle) waxaan ahayn inuu Alle ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) iyo malaa’igtu (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinka (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil.
211. Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Qofkiina beddela Nicmadda Alle kaddib intay u timid, hubaal Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay.
212. Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa gaalooba, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah (gaalada) Maalinta Qiyaamaha. Allena wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
213. Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Alle soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan,Wuxuuna la soo dejiyey Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaa- suu Alle Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa waxay gudahooda isku khilaafeen. Allena wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
214. Mise ma waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay faqri iyo jirro oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman Gargaarka Alle? Ogaada, Hubaal, Gargaarka Alle wuu dhow yahay.
215. Waxay ku weydiin waxay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta, qaraabada, agoomaha, masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), waxaad fashaanna oo khayr ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
216. Waxaa la idinku waajibiyey dagaal gelid inkastoo aad neceb tihiin, waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.
217. Waxay wax kaa weydiin bisha xurmadda gaarka ahi leh (Rajab iyo bilaha la midka ah) in la galo dagaal. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Alle agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Alle iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana55 ka daran dilka. Ma dayn doonaanna (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ahna ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduun iyo aakhiraba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda weligood.
218. Kuwa rumeeyay (Xaqa) iyo kuwa soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, kuwaa waxay rajayn Naxariista Alle. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga56 iyo Qamaarka57. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodaase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.
220. Noloshatan adduunka iyo Aakhirada- ba. Waxay wax kaa weydiin agoomaha. Dheh: Inaad u hagaajiso (arrimahooda) baa khayr badan, haddaad shuruko la noqotaanna waa walaalihiin. Allena wuu og yahay kan wax halleeya iyo kan wax hagaajiya. Hadduu Alle doonona, wuxuu idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
221. Ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan, addoonad mu’minad ah baana ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Hana u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeeray (Xaqa) rumeeyaan. Addoon mu’min ah baana ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay idiinku yeedhi Naar, Allena wuxuu idiinku yeedhi Janno iyo denbi dhaaf si idankiisa ah, wuxuuna u caddayn Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan.
222. Waxay wax kaa weydiin xaylka (dhiigga caadada ee dumarka ku dhaca). Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, hana u dhowaanina intay ka daahir noqdaan. Markay daahir noqdaan uga taga meesha Alle idinku amray; Hubaal Alle wuxuu jecel yahay kuwa toobad keenka badan, wuxuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya.
223. Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, una hormrsada (khayr) nafahiinna. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta.
224. Ha ka dhigina ku dhaarashadiina Alle wax idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
225. Alle Idiin ma qabanayo dhaaro qasad la'aaneed aan niyad aheyn, wuxuuse idiin qabanayaa waxay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (dhaar niyad ah). Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
227. Hadday goostaanna furid, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
228. Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
229. Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor (oo kolba mid ah aan isku mar aheyn), ee u haysta (xaasaskiinna) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Idiinmana bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, ee ha ku xadgudbina. Qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Alle, waa kuwaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
230. Haddiise uu furo (mar seddexaad, dalqaddii u dambeysay) uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay soo guursato nin kale. hadduu (ninkaasi dambe) furo (ama dhinto), ma saarna wax eed ah dushooda (haweentaa iyo ninkeedii hore) inay isku noqdaan (markay ciddo baxdo), hadday u malayn inay dhowri karaan xuduudaha (uu dhigay) Alle. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, uu uga dhigo caddaan ciddii garasho leh.
231. Markaad furtaan haweenka, oo ay ku dhowaadaan gaaridda muddada loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Hana u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, qofkii sidaas fala, wuxuu dulmiyey naftiisa. Ha ka dhigannina Aayadaha Alle dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Alle korkiinna, iyo wuxuu idiin soo dejiyey oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle wax walba Og yahay.
232. Markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Alle baana ogsoon oo idinku ma ogidin.
233. Hooyooyinku waxay nuujin ilmahooda labo sano oo kaamil ah, ciddii doonta inay taam yeesho muddada nuujinta, masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda darti iyo aabbe ilmaha uu dhalay darti. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle uu Arko waxaad fashaan.
234. Kuwiinna idinka mid ah ee dhinta oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay sugaan (xaasaskaa) afar bilood iyo toban maalmood, markay gaaraan muddadooda (dhammeystaan ciddada) ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Allena waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaadana inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaadana inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
236. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, siiyana sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (kani) waa waajib saaran sama falayaasha.
237. Haddaad furtaan haweenka ka hor intaydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan (waa ninka oo siiya meherkii oo kaamil ah ama inay iyadu iska cafido meherkaa nuskiisa ay leedahay) baa u dhow (samaha iyo) Alle ka cabsiga. Hana halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe60 una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan.
239. Haddaad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Alle (salaadda) siduu idiin baray waxaydaan aqoonin (u tukada sida caadiga ah).
240. Kuwa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.
241. Haweenka la furona (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Kani waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada ee dhowra (Amarradiisa).
242. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan.
243. Miyaadan ogaan (qisada) kuwii (reer Israa'iil) ka soo baxay guryahoodii (ku yiil Masar) iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri (oo diiddan jihaadka)? Markaasuu Alle ku yidhi: U Dhinta (silic iyo saxariir), oo nooleeyey (facii ka dambeeyey tiiha, markay oggoladeen jihaadka). Alle waa u Roon yahay dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan.
244. Ku dagaallamana Jidka Alle, oo ogaada inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
245. Kee baa amaahin Alle amaah wanaagsan (sadaqo la bixi ama siin deyn qof baahan kor saar la'aan) uu u labo laabaa laban laab badan? Allena wuu (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Xaggiisaana la idiin soo celin.
246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Alle. (Nabigoodii) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Alle innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Allena wuu og yahay daalimiinta.
247. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Alle wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Sidee buu noogu noqon karaa boqor, innagoo uga xaq leh boqortooyada, lana siinin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Alle baa idinka xushay, wuxuuna siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Alle wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
248. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (sanduuq) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin.
249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Alle wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Alle, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha.
250. Markay u soo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii qolodan gaalada ah.
251. Markaasay ku jabiyeen Idanka Alle, Daawuudna dilay Jaaluut, wuxuuna Alle siiyey (Daawuud) boqortooyo iyo Xikmad (Nabinnimo), uuna baray wax ka mid ah wuxuu doono. Haddayan jirin ku celin Alle dadka qaarba qaar kale, waxaa fasaadi lahaa arlada. Allese waa u Roonaan badan yahay uumanka.
252. Kuwani waa Aayadaha Alle, aanu kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad xaqiiq ka mid tahay Rususha (Alle).
253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono.
254. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxaan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jirin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, gaaladuna waa iyaga daalimiinta.
255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Mana koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu62 wuu ka ballaadhan yahay oo koobaa samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu63, waana Sarreeyaha weyn64.
256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka wuxuu noqday mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii ku gaalooba Daaquudka65 (shaydaanka) oo rumeeya Alle, wuxuu ku dhagey guntin adag oo aan go’ayn. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
257. Alle waa waliga66 (gargaaraha) kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka67. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gargaarayaashoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwaa weeye ehlu Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari.
258. Miyaadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Alle wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Allena ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Alle sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaasuu soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo.
260. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sidaad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Miyaadan rumaynin? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Soo qaado afar shimbirood, oo jarjar, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan iyagoo duulaya. Ogowna in Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
261. Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, madax walba bixiyo boqol xabbo. Allena wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono69. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
263. Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Allena waa Deeqtoone, Dulqaad Badan.
264. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. Marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah (madaxa adag).
265. Mataalka kuwa u bixiya maalkooda doonista Raalli gelinta Alle iyo sugitaanka nafahooda darteed, waa sida beer ku taal meel taag ah oo uu helo mahiigaan roob ah oo soo saarta midhaheeda labolaab. haddiise aanu helin mahiigaan roob weyn ah uu ku fillaado roob yar. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
266. Miyuu midkiin jecel yahay inuu lahaado beer timir iyo canab leh, oo ay hoostoodu qulqulayaan webiyo, oo ay ugu yaallaan midho kasta, oo da’i hesho, uuna leeyahay ilmo tabar yar, markaas ay ku dhacdo beertii xiisad dabeyl ah oo dab wadata oo ay gubato? Sidaasuu Alle idiinka dhigaa Aayadaha caddaan, si aad uga fikirtaan?
267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun71, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho damuuqsi maahee. Ogaadana inuu Alle yahay Deeqtoone, Ammaanan.
268. Shaydaan wuxuu idiinku gooddiyaa faqri, wuxuuna idin amraa inaad ahaataan bakhayllo masuug badan; Allena wuxuu idiin ballan qaadaa denbi dhaaf Xaggiisa ah iyo deeq badan, Allena waa Deeq Ballaadhane, wax kasta Ogsoon.
269. Wuxuu siiyaa xikmad qofkuu doono, qofkii la siiyona xikmad, waxaa la siiyey khayr tiro badan. mana xusuustaan waxaan aheyn wax garadka.
270. Waxaad bixisaanna oo sadaqo ah ama aad nadartaan oo nadar ah, Alle wuu ogsoon yahay. Daalimiintana ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
271. Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, haddaadse qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Waxaana la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Allena waxaad fashaan waa u Xog Ogaal.
272. Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Alle. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn.
273. (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo Fuqarada u heegan xayirmay Jidka Alle (jihaadka), ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Waxaad bixisaanna oo khayr ah, Alle wuu Ogsoon yahay.
274. Kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
275. Kuwa Ribada qaata kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecu wax kale maahee waa sida ribada; Allena wuu xalaaleeyey beeca oo xarrimay Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa ka reebtooma, wuxuu leeyahay wixii horay uu u qaatay (intaan la xarrimin oo looma raacanayo); arrinkiisana waxaa go’aankiisa leh Alle (oo cafiyey); qofkiise u noqda (ribada), waa kuwaa kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.
276. Alle ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Allena ma jecla mid kastoo abaal laawe ah, denbi badan.
277. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
278. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle oo iskaga taga waxa ka baaqi ah (kor saarka) ribada, haddaad tihiin mu’miniin.
279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad toobad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah)74.
280. Haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen75.
281. Iska jirana Maalin (Qiyaamada) la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn.
282. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, qora. Hana idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Alle u baray, ee ha qoro, oo ha yeedhiyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeedhiyo si caddaalad ah, marag gashadana labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Hana ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Alle agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddaydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, haddaad fashaan (dhibaato) waa caasinnimo idinku jirta. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle; Alle wax buu idin bari, Allena wax waliba wuu Og yahay.
283. Haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi. Hana qarinnina marag furka, qofkii qariya, qalbigiisu waa denbiile. Allena waxaad fashaan wuu Og yahay.
284. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan, Alle wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Allena wax walba wuu Karaa.
285. Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (waa sidaas) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusu- shiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan: Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe.
286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah77.