عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Pilgrimage [Al-Hajj] - Somali translation - Jacob

Surah The Pilgrimage [Al-Hajj] Ayah 78 Location Maccah Number 22

2. Maalintaad arki haweeney kastoo ilmo nuujinaysa iyadoo ka tegi ilmahay naaska nuujinaysay, oo haweeney walboo uur leh dhicin waxay uurka ku siddo, waxaadna arki dadka oo (ah sida kuwo) sakhraansan, mana aha kuwo sakhraansan, Cadaabka Alle baase ah mid Daran.

5. Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana mani dhibic biyo ah, haddana xinjir, haddana cad hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh.

9. Dadbi luquntiisa (kibir darti, lunsan) oo ka lumiya (dadka) Jidka Alle. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, Waxaana dhadhansiin Maalinta Qiyaame cadaab wax gubta.

10. Arrinkani waa sababta waxay horey u geysteen gacmahaagu (oo denbiyo ah), Allena ma aha dulmiyaha addoomahiisa.

13. Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isagaa u xun wax laga dhigto sokeeye, una xun wax laga dhigto xigaalo iyo saaxiib.

15. Qofkii u malayn inaanu Alle u gargaarayn (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha u fidsho wuxuun sabab ah xagga samada (hana eego inuu hor istaagi karo oo goyn karo Waxyiga Alle ku soo dejiyo Nabigiisa iyo hiilkiisa)2, markaas ha fiirsho inuu dhagartiisa ku ciil beelayo.

20. Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda).

21. Waxay (gaaladu) ku leeyihiin Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco).

22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh.

24. Waxaana lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (Islaamka ee lagu galo Jannada).

25. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.

26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Alle ha la wadaajin (cibaadada) waxba oo ha u shariig yeelin, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”

30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.

31. Idinkoo u toosan Alle, oo aan la wadaajin cidna cibaadada, qofkii u shariig-yeela cid kale Alle, wuxuu la mid yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabeyshu meel gun dheer oo fog.

32. Waa sidaase, qofkii weyneeya (amarrada Alle - sharcigiisa iyo) calaamooyinka Alle10, tani waa camal muujinaya Alle ka cabsiga quluubta.

33. Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban11ah, markaas waxaa loo keenaa gowrac Baytka da’da weyn12.

36. Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan14, markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha, sidaasaan idiinku sakhirnay inaad ku mahdisaan (Alle).

38. Alle wuu difaacaa addoomahiisa rumeysan. Allena ma jecla mid kastoo khiyaano badan (amaanada Rabbigiis), ka abaal dhac badan (Nicmooyinka Alle).

44. Iyo reer Madyan, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii.

48. Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo.

53. Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintuna (gaalada) waxay ku sugan yihiin gaalnimo iyo khilaaf fog.

55. Kuwa gaaloobana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn17.

59. Wuxuu galin meel gelitaan ay ka raalli noqon (Janno). Allena waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan.

60. Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Allese waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan18.

61. Arrinkani waxaa ku wacan inuu Alle habeenka dhex geliyo maalinta, maalintana dhex geliyo habeenka (kala badiyo). Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

64. Alle Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Alle waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan.

66. Allena waa Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Maalinta Qiyaamaha). Aadmigu waa mid abaal dhac badan.

71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah, daalimiintana (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara (shafeeca Aakhirada).

78. Kuna dadaala Arrinka Alle (xoojinta diinta Islaamka) dadaal dhab ah (idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna). Isagaa (Alle) idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Alle) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan.