عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Standard [Al-Furqan] - Somali translation - Jacob

Surah The Standard [Al-Furqan] Ayah 77 Location Maccah Number 25

1. Waxaa Barako iyo Khayr badan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan1 (Qur’aanka kala saara Xaqa iyo baadilka) addoonkiisa2 (Nabiga) si uu ugu noqdo caalamka dige.

2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u aheysiiyey si qiyaasan.

3. Waxay yeesheenna Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin iyagase la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo bixiyaan qabri isagoo nool.

4. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen, waxay dhab ahaan la yimaadeen gef iyo been abuur.”

5. Waxay yidhaahdeenna: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba.

6. (Nabiyow) dheh: “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

7. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?

8. “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”

10. Waxaa barako iyo khayr badan Alle ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda).

15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.

16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa6.

17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”

18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo ba'ay.

19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.

22. Maalintay arki malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban8.

23. Waxaanuna hor keeni9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.

24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.

25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro (cad ka soo baxayaan)10, lana soo dejin malaa’gta soo dejin.

27. (Xus) Maalinta garmaqaate uu qaniini gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka11.

32. Kuwii gaaloobayna waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada16, waxaan u soo Waxyoonnayna qayb qayb (23sano gudahood).

33. Ma jirto dood ay (gaalada) kuula iman (si ay u duraan Nabinnimadaada), waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (burin waxay sheegi).

34. Kuwa (gaalada) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, kana sii lumid badan Jidka (Xaqa ah).

39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waan halaagnay halaagid.

40. Waxayna (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)18.

41. Markay ku arkaanna (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul uu ahaado?

46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar21.

50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn abaal dhac (gaalnimo).

52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).

56. Kuumana aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.

57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho xagga Rabbigi jid (Toosan ha raaco)".

59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha (Alle) ee wax ka weydii mid Xog ogaal ah (waa Alle ama Rasuulkiisa).

60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.

61. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, yeelayna dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya.

63. Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir26, markayna maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku qaabila hadal ka maran gef ama xumaan 27.

64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan (salaad).

71. Qofkii toobad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo toobad keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.

72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).

75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.

77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen30. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma (cadaabka)31.