عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Poets [Ash-Shuara] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Poets [Ash-Shuara] Ayah 227 Location Maccah Number 26

1. Taa Siin Miim [1].

2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.

3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.

10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?

12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,

13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).

14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.

15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.

18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?

21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.

22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil?

24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan.

25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?

26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.

29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.

30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?

34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer.

36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya [4].

37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.

38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan.

42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.

45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.

46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.

52. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.

53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).

56. Waxaanu nahay xaqiiq kuwo had iyo jeer digtoon.

60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raacdeysteen goor qorrax soo bax ah.

61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”.

62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.

64. Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).

66. Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).

68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.

70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan?

72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.

73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?

74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.

77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka [5].

78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.

81. Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);

87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).

90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'.

93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?

94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.

96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),

99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).

100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.

102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta [7].

104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)?

107. Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah.

111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?

116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.

117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.

118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.

120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).

122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.

125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo [8]? Macno daranaa waxaas aad fashaan.

130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?

132. Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.

134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.

136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.

137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).

140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

143. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.

148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.

153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.

155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal [9]; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.

157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.

159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

162. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka [10].

167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.

168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).

169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.

170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.

171. Habar duqowday ma ahee [11] ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.

175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.

178. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.

185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12].

191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.

193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .

194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.

196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka).

198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13].

199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14].

203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?

205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.

209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).

210. Ma ayan keenin [15] 'Qur’aankan' Shaydaammada.

211. Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan.

212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka' [16].

213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.

217. Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,

219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood [18] kuwa u sujuuda (Alle).

220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?

227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib [21]. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada' [22]?