The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe family of Imran [Aal-e-Imran] - Somali translation - Jacob
Surah The family of Imran [Aal-e-Imran] Ayah 200 Location Madanah Number 3
1. Alif – Laam - Miim.
2. Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Noolaha Daa'inka ah, Daryeelaha waxa uunka jira ee dabbara,
3. Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,
4. Kal hore, hanuunin ahaan dadka, wuxuuna soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Alle, waxay leeyihiin cadaab daran; Allena waa Adkaade, Aargoosi leh.
5. Allaah - hubaal waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada.
6. Waa Kan idiinku sawira (qaab siiya) ilma galeennada siduu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
7. (Alle) waa Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir (iskood ah)1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Alle. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga (Alle) Rabbigayo. Mana xusuusataan oo waantoobaan wax garadka mooyee.
8. Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay2, noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay kan Deeq Bixinta Badane.
9. Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin (Qiyaamada) aan shaki lahayn; Alle ma ka baxo Ballankiisa.
10. Kuwa gaalooba waxba ugama taraan maalkoodu iyo ilmahooda Alle agtiisa; kuwaana weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta.
11. Waa sida caadadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu qabtay Alle duntuubtoodii darteed. Allena Ciqaabkiisu wuu daran yahay.
12. Ku dheh kuwa gaalooba: Waa la idinka adkaan, waxaana la idinku soo kulmin wada jir Jahannama, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
13. Waxaa idiinku sugan calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Alle darti, iyo tan kaloo gaal ahayd, waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Allena wuxuu ku xoojiyaa Gargaarkiisa qofkuu doono. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan cibrad kuwa aragtida dheer leh.
14. Waxaa loo qurxiyey dadka Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, ilmo, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah (maal) iyo fardo laylan oo qurxoon (gaadiid fiican) iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran (iyo guryo waasic ah oo wanaagsan). Kaasi waa raaxada nolosha adduunkan; Allena waxaa agtiisa ah meel noqodka wanaagsan (Janno).
15. Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (xumaha) - beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyo xaasas daahir ah iyo raalli ahaansho xag Alle ah. Allena wuu Arkaa Addoomihiisa.
16. Ee ah kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta.
17. Ee ah kuwa samra, runlowyada ah, adeeca Alle, oo wax sadaqaysta, oo (Alle) weydiista denbi dhaaf waqtiyada suxuurta.
18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
19. Diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) markuu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkiina ku gaalooba Aayadaha Alle, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah.
20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Kuna dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta: Miyaad hoggaansameysaan?3 Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin (Xaqa) lagula soo diray; Allena wuu arkaa addoomahiisa.
21. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
22. Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.
24. Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen.
25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?
26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayroo dhan. Hubaal Adigaa wax kasta Kara.
27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka, kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.
28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada 6. Allena wuxuu idiinka digi Naftiisa7, xagga Alle baana lagu dambeyn.
29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Alle wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Allena wax walba wuu Karaa.
30. Maalinta naf waliba heli waxay khayr fashay oo la hor keeno iyo waxay xume fashay, waxay jeclaan in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd muddo dheer. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa. Allena waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa.
31. (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Alle jeceshihiin, i soo raaca, Alle baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
32. Dheh: Adeeca Alle iyo Rasuulka (Muxammad). Hadday jeesadaan, hubaal Alle ma jecla gaalada.
33. Alle wuxuu ka doortay Aadam, Nuux, reer Ibraahiim iyo reer Cimraan ummadaha dhan dushood.
34. Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, Allena waa wax kasta Maqle,wax kasta Og.
35. (Xus, Nabiyow) markay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
36. Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah, Allena wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxay dhashay – labkuna ma aha la mid dheddiga, waxaana u bixiyey Maryam8, waxaana kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay.
37. Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal fiican, kana yeelay inay korto koritaan wanaagsan, una dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kastuu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xagga Alle. Alle wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
38. Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada.
39. Waxaa u dhawaaqay malaa’igta isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Alle uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa, rumeynaya Eray xagga Alle ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan.
40. (Zakariya) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) , anigoo da' noqday, haweentayduna ma dhaleys tahay? Wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u falaa wuxuu doono.
41. Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo tasbiixso galab iyo subaxba.
42. (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuu ku doortay oo ku daahiriyey, kaana doortay dumarka caalamka.
43. Maryameey! Adeec Rabbigaa una sujuud, lana rukuuc kuwa (Alle) u rakuuca.
44. Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno (Nabiyow), lamana aad joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; lamana aad joogin markay isla doodayeen.
45. (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, magaciisuna yahay Al-Masiix, Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, kana mid ah kuwaa ka ag dhow (Alle, Maalinta Qiyaamaha).
46. Wuxuu la hadli dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan) mid ka mid ah kuwa wanaagsan.
47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay.
48. Wuxuuna bari (Ciise) qoraalka, Xikmadda, Towraadda iyo Injiilka.
49. Waana Rasuulka ilmaha Israa’iil (isagoo ku dhihi): Waxaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, waxaan idiinka sameyn dhoobo wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufi oo ay noqon shimibir Idanka Alle. Waxaan bogsiin indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleyn meytida Idanka Alle, waxaan idiinka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsaneysaan guryihiinna. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo, haddaad tihiin mu'miniin.
50. Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey ee Towraadda ah, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, waxaana idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle oo i Adeeca.
51. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan.
52. Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (diinta) Alle? Xawaariyiintii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (diinta) Alle; waxaanu rumeynay Alle, maragna ka ahow inaanu nahay Muslimiin.
53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada(ummadda Nabi Muxamad).
54. Oo tab ayey dhigeen, Allena (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Allaana ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.
55. (Xus) markuu Alle yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (Xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen.
56. Ee ma kuwa gaalooba, waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, wuxuu u oofin abaalgudyadooda oo dhan. Allena ma jecla daalimiinta (gar diidka).
58. Kaa baan ku akhriyeynaa (Qur’aanka) oo Aayado ah iyo waano xikmad leh.
59. Mataalka Ciise xagga Alle waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray carro, markaasuu ku yidhi: Ahow, wuuna ahaaday.
60. (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.
61. Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Alle ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha.
62. Kuwani waa qisooyinka runta ah, oo ma jiro ilaah (xaq ah) aan ahayn Allaah. Allena waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
63. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, Alle wuu ogsoon yahay kuwa wax fasaadiya.
64. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Alle maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Alle. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.
65. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan wax fahmeyn?
66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.
67. Ma uusan ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna9, wuxuuse ahaa toosane, Muslim ah, kamana uu mid aheyn mushrikiinta.
68. Kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan (Nabi Muxammad) iyo kuwa rumeeyey (Muslimiinta). Allena waa Gargaaraha mu’miniinta.
69. Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.
70. (Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle idinkoo marag ah (og Xaqnimadooda)?
71. Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon?
72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan (diintooda)10.
73. Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna (iyo dhaqankiinna). Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Alle (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Alle; Wuxuu siiyaa kuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
74. Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Allena waa Rabbiga Fadliga Weyn.
75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.
76. Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa ee ka cabsada Ilaahay, hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale).
77. Kuwa ku iibsada Axdiga Alle 12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Alle lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
78. Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) koox ku leexisa carrabyadooda Kitaabka (Towraadda) si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, waxayna yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Alle isagoo aan ka iman xagga Alle, waxayna ka sheegaan Alle been iyagoo ogsoon.
79. Kuma habboona qof inuu Alle siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoomo halkii Alle; (wuxuuse halkii taa yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan.
80. Idinmana amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib?
81. (Xus) markuu Alle ka qaaday Nabiyada ballan adag13: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijin waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadeysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirnay. Wuxuu yidhi: Markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada.
82. Qofkii jeesada intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.
83.Ma waxaan ahayn diinta Alle (Islaamka) bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay (Alle) u hoggaansan yihiin waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, Xaggiisaana loo celin.
84. Dheh: Waxaanu rumeynay Alle, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee Waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay.
85. Qofkii doonana waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.
86. Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
87. Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Alle , iyo malaa`igta iyo dadkoo dhan.
88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis.
89. Kuwa toobad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
90. Kuwa gaalooba rumayntoodii kaddib, haddana kororsada gaalnimo, lagama aqbalo toobadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan.
91. Kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada).
92. Marnaba ma haleeleysaan ajarka wanaagsan (ee lagu muto Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda 14. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.
94. Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta.
95. Dheh: Run buu sheegay Alle; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta.
96. Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah15, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha16.
97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa17, qofkiina beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.
98. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?
99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Allena ma mooga waxaad fashaan.
100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.
101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).
102. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka cabsada Alle ka cabsashada xaqa ah uu mudan yahay (oo u dhowra si dhan Amarradiisa), hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Alle).
103. Oo si sugan u qabsada (Xadhiga) Axdiga Alle (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsamina, xusuustana Nicmadda Alle dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaallo sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan.
104. Ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, amartana samaha oo reebta xumaha. Kuwaana weeye kuwa liibaani.
105. Ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Kuwaana weeye kuwa leh cadaab daran.
106. Maalinta wajiyo (qaar) ay nuurayaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.
107. Kuwase ay wajiyadoodu nuurayaan, waxay dhex ahaan Naxariista Alle (Jannada) iyagoo ku dhex waari weligood.
108. Kuwani waa Aayadaha Alle ee aan kuugu akhrinno (Nabi Muxammadow) xaq, Allena lama doono wax dulmi ah uumanka.
109. Alle baana leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. xagga Allayna umuurahoo dhan u noqdaan.
110. Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.
111. Idiinma geysan karaan waxyeello, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaalla- maan dhabarkay idiin jeedin, loona gargaari maayo.
112. Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo (marka ma leh awood iyo magan gelyo), waxaan aheyn markay ku hoos jiraan axdi (magan) xagga Alle ah, ama axdi (magan) xagga dadka ah (iyagoo bixin jizyo); waxayna ahaadaan kuwo mudan Cadho xag Alle ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diidaan Aayadaha Alle oo ku dilayeen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay (Alle ku) caasiyaan oo xadgudbaan.
113. Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan18; waxay akhriyaan Aayadaha Alle waqtiyada habeenka oo sujuudaan.
114. Waxay rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.
115. Waxay falaan oo khayr ahna lagama dayrin doono abaalkooda; Allena wuu Og yahay kuwa ka cabsada ee iska jira (xumaha).
116. Kuwa gaalooba wax ugama taraan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Alle. Waana kuwaa ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.
117. Mataalka waxay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabeyl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Allena ma uusan dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyey.
118. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii weyn. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad fahmeysaan.
119. Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (qaraabo iyo deris ahaan darteed iyo muujintooda saaxiibtinnimo dusha ah xaggiinna), halkay iyagu idin jecleyn (oo idinku colaadiyaan diintiinna darteed), waxaadna rumeysan tihiin Kutubta Alle oo dhan (Towraadda, Injiilka, halkay ku gaaloobaan Qur’aanka). Markay idinla kulmaanna waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Alle waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
120. Hadday idin haleesho samo, waa ay murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (dhagartooda, Allena u hoggaansan tihiin, iskana ilaalisaan xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Alle wuu koobaa waxay fali.
121. (Xusuuso) markaad (Nabiyow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan21, Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.
123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, si aad u mahdisaan.
124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray?
125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.
126. Uma yeelinna Alle (arrintaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guushana kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah22.
128. Waxba amarka kuma lihid (Nabiyow), ama wuu ka toobad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle aad liibaantaane.
131. Iskana jira Naarta loo diyaariyey gaalada.
132. Adeecana Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.
133. Una degdega denbi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale ee dhowra Amarrada Alle).
134. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaanta, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Allena wuu jecel yahay sama falayaasha.
135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda24, xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).
136. Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.
137. Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta kuwa (Xaqa) beeniya.
138. Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa).
139. Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin.
140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Allena ma jecla daalimiinta (gar diidka).
141. Waa si uu Alle u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada.
142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada25 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?
143. Waxaadna rabteen dhimashada ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen geerida idinkoo eegaya.
144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto26 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkiina dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle, Allena waa u abaal gudi kuwa mahdiya (af, uur iyo addinba).
145. Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanuna u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba).
146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Allena wuu jecel yahay kuwa samra.
147. Mana ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah.
148. Markaasuu Alle siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Allena wuu jecel yahay sama falayaasha.
149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan27.
150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.
151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaana hoyga daalimiinta (gar diidka).
152. Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Allena wuu u Roon yahay mu`miniinta.
153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
154. Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, Allena wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
155. Kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (denbi) ah oo ay kasbadeen awgeed. Allena wuu cafiyey. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
156. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Alle uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Alle baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Allena wuu arkaa waxaad fashaan.
157. Haddii la idinku dilona Jidka Alle ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Alle ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).
158. Haddaad dhimataanna ama la idin dilo, hubaal Alle Xaggiisaa la idiin soo kulmin.
159. Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.
160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.
161. Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha35. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
162. Ma mid raaca Raalli gelinta Alle baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Alle, hoygiisuna yahay Jahannama, oo u xun meel la ahaado.
163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Allena wuu arkaa waxay fali.
164. Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.
165. Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee buu nooga yimid arrinkani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
وَمَآ أَصَٰبَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِ فَبِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَلِيَعۡلَمَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ [١٦٦]
166. Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Alle, iyo inuu muujiyo mu’miniinta.
167. Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Alle amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin.
168. Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan.
169. Ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Alle meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa.
170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan.
171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad xag Alle ah iyo Deeqdiisa darteed, iyo inaanu Alle dayaceyn ajarka mu’miniinta.
172. Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Alle iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn (Janno).
173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil.
174. Markaasay la noqdeen Nicmo xag Alle ah iyo Deeqdiisa, oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Alle. Allena waa Rabbi Fadli iyo Deeq weyn.
175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya (waa Alle'e) iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.
176. Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.
177. Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.
179. Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar weyn (Janno).
180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
181. Dhab ahaan wuu maqlay Alle odhaahda (Yuhuuddii) yidhi: Alle waa faqiir innagaana hodan ah. Waanu qori waxay yidhaahdeen iyo ku dilkoodii anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan: Dhadhamiya Cadaabka Gubashada.
182. Waxakani waa waxay gacmihiinnu horay u geysteen (oo denbiyo ah) iyo sababta inaanu Alle ahayn mid ku gardarrooda addoomaha.
183. (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, Alle wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaada) cuno. Dheh: Waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaad dalabteenba, ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaan?
184. Hadday ku beeniyaan sidaa oo kale baa loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.
185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Mana aha nolosha adduun- ka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
186. Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey(Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo xagga kuwa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado.
187. (Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin (imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w )39,waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.
188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
189. Alle baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, Allena wax walba wuu Karaa.
190. Abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan calaamooyin wax garadka.
191. Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa ka hufan (xumaan) oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta.
192. Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna).
193. Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe (Nabi Muxammad) ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeenna, na oofsana la jirka baarriyiinta.
194. Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide.
195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii oo yidhi): Anigu ma dayaco camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga (Islaamka darti), ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan asturi xumayaalkooda, waxaana gelin beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Alle ah, Alle baana haya oo weliba baxsha abaalgud wanaagsan.
196. Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan.
197. Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Jahannama; oo ugu xun gogol la yeesho.
198. Kuwase dhowra (xilkuu saaray) Rabbigood, waxay leeyihiin beero (Jannooyin) ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan weligood, marti qaad uu u fidiyey Alle; waxa Alle agti ah baana u khayr badan kuwa baarriga ah.
199. Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Alle, iyo waxa la idiin soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka), iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah (Towraadda iyo Injiilka), una khushuuca Alle, oo aan ku iibsan Aayadaha Alle qiimo yar. Kuwaa waxaa u sugnaaday ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Alle wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta.
200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle aad liibaantaane.