عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Saba [Saba] - Somali translation - Jacob

Surah Saba [Saba] Ayah 54 Location Maccah Number 34

1. Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Isagaana (sidoo kale) mudan ammaan oo idil iyo mahad Aakhirada, Waana Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.

3. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

10. Waxaan dhab ahaan ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga. (Waxaana nidhi, "Buurahow, la qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa, iyo shimbirahowba. Waxaana u jilicinnay birta.

11. Annagoo leh: Samee duruucda (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), hagaajina sameyntooda, samana fal. Hubaal Anigu waan Arkaa waxaad fashaan

12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.

13. Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo taallooyin5 iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waana in yar addoomahayga mahad naqa badan.

17. Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?

18. Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, waxaana qaddarnay socodkooda halkaa10: (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah".

19. Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan12.

21. Kuma lahana (Ibliis) wax awood ah dushooda (dadka uu ku qasbo inay raacaan, waase Xikmo Xaggayaga ah inaan ku imtixaano dadka waswaasinta sheydaan), wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo ugu salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaana waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).

22. Dheh: U yeedha kuwaad sheegtaan (inay ilaahyo yihiin) Alle sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama qudhaanjo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko (la wadaagid ah) dhexdooda midna, kumana laha (Alle) uunka wax garab siiya (ugamana baahna).

25. Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan.

26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah. Waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.

27.Dheh: I tusa kuwaad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta) waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

29. Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?

32. Kuwii isla weynaa (madaxdii) waxay ku odhan kuwii la daciifsaday (raciyaddii): Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib markuu idiin yimid? Mayee’ idinka (naf ahaantiinna) ayaa ahaa denbiilayaal.

37. Ma aha maalkiinna iyo awlaaddiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee qofkii (Xaqa) rumeeya oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labanlaab ah waxay camalsan faleen darteed, waxayna ku sugnaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada).

39. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, wax ka khayr badan buu idin siin, Allena waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda.

41. Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.

45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).

47. Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.

48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).

49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo20.

51. Haddaad arki lahaydna21 markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.

52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?

53. Waxay dhab ahaan horey22 ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog23.