The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThose who set the ranks [As-Saaffat] - Somali translation - Jacob
Surah Those who set the ranks [As-Saaffat] Ayah 182 Location Maccah Number 37
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) safta safafka siman.
2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.
3. Iyo (malaa’igta) akhriya (Qur’aanka) 1.
4.Hubaal Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).
5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada2.
6. Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah3.
7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.
8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.
9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololya ah.
11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.
12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.
13. Marka la waaniyona ma waantoobaan.
14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.
15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.
16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?
17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.
18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.
19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.
20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.
21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.
22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii4 iyo waxay caabudi jireen.
23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.
24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).
25. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?
26.Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan.
27. Waxayna ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.
28. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig5.
29. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.
30. Kumana aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.
31. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, waanu dhadhamin (Cadaabka).
32. Waan idin luminnay6, innaguna waa lunsanayn.
33. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) Maalinkaas cadaabkay wadaagi.
34. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.
35. Waxay ahaayeen marka lagu yidhaah- do: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.
36. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?
37. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).
38. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.
39. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.
40. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.
41. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).
42. Midho, iyagoo lagu sharfi.
43. Beeraha barwaaqada (Jannada).
44. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
45. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.
46. Cad, oo u macaan kuwa cabbi.
47. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).
48. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.
49. La moodo ukummo aad loo dhowray.
50. Waxayna qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.
51. Midkood hadlaya baa odhan; Waxaan anigu lahaa saaxiib.
52. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?
53.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?.
54. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?
55. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda.
56. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).
57. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).
58. Ma nihin miyaa kuwo dhiman.
59. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?
60. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn.
61. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali.
62. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.
63. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).
64.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,
65. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;
66. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda.
67. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya.
68. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan.
69. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan.
70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi.
71. Waxaana dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore.
72. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal.
73. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).
74. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).
75. Waxaana dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).
76. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (haraqii).
77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.
78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.
79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.
80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
82. Markaasaan harqinnay intii kale.
83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay jidkiisa Ibraahiim7.
84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow8.
85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?
86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.
87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?
88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,
89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.
90. Markaasay ka jeesteen oo tageen.
91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn9.
92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?
93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.
94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.
95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?
96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?
97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.
98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.
99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.
100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).
102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday10, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.
103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco).
104. Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.
105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
106. Arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.
107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).
108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.
110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.
112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.
113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.
114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.
115. Kana badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).
116. Waana u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.
117. Waxaana siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.
118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan (ee Islaamka)12;
119. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .
120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.
121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
122. Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.
123. Ilyaasna wuxuu ka mid ahaa Rususha.
124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (xumaha)?.
125. Ma waxaad baridaan Bacal13 oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.
126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.
127. Wayse beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab),
128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin14.
131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
133. Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
137. Waxaadna ag martaan (dhulkoodii) waaberiga,
138. Iyo habeenkaba, ee miyeydaan wax garan?
139. Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
141. Marka wuu la qori tuurtay15, wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan16.
143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah17.
147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay (sugnay) ilaa muddo.
149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
151. Taasi waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
152. Allaa dhalay oo ilmo leh, waana beenaalayaal.
153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?
154. Maxaa si idin ka ah, waa sidee sidaad wax u xukumeysaan?
155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?
156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?
157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?
158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni (cadaabka Naarta)18.
159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.
160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
161. Idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).
162. Cidna kuma fidnayn kartaan19.
163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.
164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay 20.
165. Waana innaga (malaa’igta ah) kuwa u safta safafka siman (salaadda darteed).
166. Waana innaga (malaa'igta ah) kuwa xurmo weyneeya oo hufa (Alle)21.
167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:
168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab)22 .
169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
170. Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan.
171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.
172. Inay yihiin kuwa loo gargaari.
173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin kuwa adkaan.
174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,
175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?
177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.
179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).
181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).
182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.