عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Sad [Sad] - Somali translation - Jacob

Surah Sad [Sad] Ayah 88 Location Maccah Number 38

1. Saad1, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan2.

2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).

3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo toobad keeneen) goor calaalal (toobad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin ( Cadaabka Alle).

4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxayna gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.

6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni (uu isku soo dubbariday Muxammad si uu idiin qabsado oo magac iyo sharaf ugu qaato).

7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii hore3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.

8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isaga (Muxammad) innagoo joogna? Waxayse ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.

9. Mise waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?

10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga (samada hadday karaan)4.

11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo5 la jabin (lagana adkaan).

12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh6.

13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.

14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.

15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna7.

16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, toobad keen badan .

18. Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba.

19. Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan(Alle)ammaanka.

20. Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaana siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan.

22. Una soo galeen Daawuud, markaasuu naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, naguna hanuuni jidka toosan (ee Islaamka).

24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Daawuudna wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaa- suu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday (Alle)8 isagoo toobad keen ah.

25.Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada).

30. Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. Wuxuu ahaa mid Alle u soo noqda (oo toobad keen badan).

31. (Xus) marka loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan markay taagan yihiin, dheereeya markay ordayaan -

33. Ii soo celiya, markaasuu wuxuu billaabay inuu ka masaxo addimmada iyo luquma(hooda)9.

40. Wuxuuna (Sulaymaan) ku leeyahay Agtayada dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Janno).

42. (Waxaanu ku nidhi): Ku garaac (dhulka) cagtaada; tani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan.

44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada12; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo toobad keen badan).

46. Waxaanu ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro).

49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san.

51. Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan).

52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah).

53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii.

55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa sugaya rug laabasho xun.

57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun.

58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah.

60. Waxay (raciyadii) ku odhan (madaxdoodii): Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday, ee u xumaa halkan fariisan guntii la degaa.

61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda.

63. Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?

64. Hubaal (arrin)kani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka.

65. Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

67. Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh.

72. Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud (rukuuc salaan ahaan).

73. Malaa’igtiina way sujuudeen (rukuuceen salaan ahaan) kulligood oo dhan.

74. Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo ka mid ahaaday gaalada (abaal laawayaasha).

75. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad salaan qaadasho ahaan ugu sujuuddo (macnaha rukuucdo) mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise waxaad ka mid tahay kuwa isla sarreeya?

76. (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.

77. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysane laga fogeeyey Naxariisteyda.

78. Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada).

79. (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha).

80. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin).

82. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood.

83. Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada.

84. (Alle) wuxuu yidhi: Runtu waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye -

86. Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (gaarsiinta Dhambaalkan), mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin).

87. Ma ahana (Qur’aankani) waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan.