عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Troops [Az-Zumar] - Somali translation - Jacob

Surah The Troops [Az-Zumar] Ayah 75 Location Maccah Number 39

1. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

2. Waxaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Allaah Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada.

3. Ogaada, hubaal, cibaado barax tiran1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafaan. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.

4. Hadduu doono Alle inuu yeesho wiil (siday leeyihiin gaalada) wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuray wuxuu doono. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (xumaan). Waa Allaah, Waaxidka Keliga ah, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

6. Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam) kaddib ka yeelay (abuuray) lammaankiisa (Xawwaa) xaggeeda. Wuxuuna idiin soo dejiyey xoolaha siddeed nooc. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi2 dhexdood, kaas waa Allaah - Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah). Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baa la idiinka iilay?

11. Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Allaah Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada.

12. Waxaana la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle).

14. Dheh: Allaah keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxbana la wadaajin cibaadada.

16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo hoostooda, (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow (dhowra xilkaan idin saaray oo) iga Cabsada (iskana jira Ciqaabkeyga).

17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut (ilaahyada beenta)4 oo u laabta Allaah (iyagoo toobad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.

20. Kuwase dhowra (xilkuu saaray) Rabbigood (oo ka cabsada cadaabka Alle) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.

21. Miyaadan arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, (arrin)kani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.

22. Ma mid uu qalbigiisa Alle u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)?, waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Alle. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad.

23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (iyo ku camalfalka Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.

24. Ma mid kaga gabbada wejigiisa7 cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha (baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) waxaana lagu odhan daalimiinta: Dhadhamiya waxa aad kasbateen (oo denbiyo ah).

28. Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn8, si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).

29. Allaah wuxuu soo qaataa tusaale: addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, badankooduse ma oga.

30. Hubaal waad dhiman, iyaguna (sidoo kale) way dhiman.

32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?

33. Kan la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).

41. Waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuuna waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana waxay uun ka go’an tahay korkiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah.

44. Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isagaa leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana la idiin soo celin.

57. Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida).

58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya13 waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.

60. Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Alle (ee yidhi wuxuu leeyahay xaas ama ilmo ama shuruko) oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha?

64. Dheh: Ma waxaan ahayn Alle baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan ka jaahilka ahow (Weynida Alle)?

65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa buraya camalkaaga, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray.

66. Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya(af,uur iyo addinba).

67. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay15, isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig16. Xurmoo dhan Isagaa iska leh waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.

68. Waxaa la afuufi Buunka (Qiyaame), markaasay suuxi (dhiman) dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada kuu doono Alle maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Ilaahay).

69.Waxayna la ifi arlada Nuurka Rabbigeed, Kitaabka (camallada) baana la soo dhigi, waxaana la keeni Nabiyada iyo markhaatiyada, looguna kala garsoori (addoomaha Alle) dhexdooda si Xaq ah, iyagoon la dulmineyn.

70. Naf walbana waxaa loogu oofin si dhan waxay fashay; Isagaana (Alle) dhab u Ogsoon waxay camal falaan17.

73. Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (xilkuu saaray) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda18 (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, waad wanaagsan tihiine, gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda19.

74. Waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, nana dhaxal siiyey dhulka (Jannada). Waxaan ka degnaa Jannada meeshaan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal san fashay.

75. Waxaad arkaysaa malaa’igtoo ku wareegsan Carshiga hareerihiisa iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; waana loo kala garsoori (addoomaha) dhexdooda si xaq ah, waxaana la odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.