عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Women [An-Nisa] - Somali translation - Jacob

Surah The Women [An-Nisa] Ayah 176 Location Madanah Number 4

1. Dadow! Ka cabsada (Alle oo dhowra xilkuu idin saaray) Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada1. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).

3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan4. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.

4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo cabsi la’aan.

9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah.

11. Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle9. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

12. Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Waa Amar ka yimid Alle, Allena waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.

14. Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.

20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?

23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan19.

25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

28. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan (xagga jidhka iyo xagga doonidda dumarka oo kama samri karo).

31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).

33. Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Alle wax kasta waa u marag shaahid ah oo wuu u jeedaa.

34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed25, iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed26. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadoo- da, waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.

41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?

49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo (waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Alle iyo kuwa uu jecel yahay). Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.

53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.

55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto.

61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeedsaho muuqata.

62. Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.

64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo toobad aqbal Badan, Naxariis Badan.

65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.

71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira.

79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul aad u ahaato, oo Alle baa ku filan Marag uu ahaado.

80. Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushood.

81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Allena wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Alle oo talo saaro. Allena ku filan wakiil uu ahaado.

84. Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.

85. Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (denbigeeda) ah. Alle baana wax walba ilaaliya oo shaahid ka ah.

88.Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno).36

92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, u toobad keen ahaan Alle. Allena waa Wax walba Oge, Xakiiim ah

96. Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo denbi dhaaf iyo Naxariiis. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

97. Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda (inay dhex degeen gaalada oo ka soo haajirin darteed), waxay (malaa'igtu ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Alle mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwaa kuwa hoygoodu yahay Jahannama, oo u xun aaye iyo meel la ahaado.

102. Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), mana aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.

104. Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

106. Weydiisana Denbi Dhaaf Alle, Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan41.

108. Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Alle, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan.

110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa (dambaaba), markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

111. Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

116. Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkiina la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.

117.Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.

120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.

127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey (ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin )47, xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.

129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan (shirki iyo xume kaleba), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Allena waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xakiim ah.

147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad mahdisaan oo rumeysaan? Allena waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.

148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.

155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.

156. Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah.

158. Mayee! Alle baa (Ciise isagoo hurda) kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa, Allena waa Adkaade, Xakiim ah.

159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman55. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.

160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle.

166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Allena ku Filan Markhaati uu ahaado.

168. Kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.

176. Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Alle baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Allena wax walba wuu Ogsoon yahay.