The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesCouncil, Consultation [Ash-Shura] - Somali translation - Jacob
Surah Council, Consultation [Ash-Shura] Ayah 53 Location Maccah Number 42
1. Xaa Miim2.
2. Cayn Siin Qaaf.
3. Sidaasuu Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa siduu ugu (waxyoodayba Nabiyadii) kaa horreeyay.
4. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Sarreeyaha, Weyn.
5. Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan3, malaa’igtuna waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, una weydiiyaan denbi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
6. Kuwase yeesha Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, iwm), Alle baa u jeeda oo dhowraya, adiguna kama tihid wakiil (maamula arrimahooda).
7. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareerahee- da ah4, iyo inaad ka digto Maalinta Kulanka (Qiyaamada) ee uusan ku jirin shaki, koox waxay gali Janno, kooxna Naar huraysa.
8. Hadduu doono Alle, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, wuxuuse geliyaa cidduu doono Naxariistiisa5. Daali- miintuna (gar ma qaatayaasha) ma leh sokeeye iyo gargaare midna.
9. Mise waxay yeesheen Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan)? Allaah baase ah Waliga (Sokeeyaha iyo Gargaaraha dhabta ah), Isagaana nooleeya maytida, Isagaana wax walba Kara.
10. Waxaad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, Xaggiisaan u badiyaa noqodka6.
11. (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah7, waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
12. (Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay.
13. Wuxuu idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay Nuux, iyo waxaan kuu waxyoonnay, iyo waxaan u dardaarannay Ibraahiim, Muuse, iyo Ciise: Inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsamin. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaad (Towxiidka) aad ugu yeedhaan. Alle wuxuu u doortaa Xaggiiisa qofkuu doono, wuxuuna u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya (xusid iyo toobad ahaan).
14. Ma ay noqon kuwo kala qaybsan (xagga diinta) markuu u yimid cilmiga kaddib mahee xasad darti dhexdooda ah. Haddii aysan jirteenna Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah (in lala sugo Qiyaamada), waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Kuwana la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib (Yuhuudda iyo Nasaarada) shaki weyn bay ka qabaan (diinta).
15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray8, hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna9, xujo (hadda) inama dhex taallo10. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.
16. Kuwa ka dooda Arrinka Alle inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti11, dushoodana Cadho (Alle) baa ah, waxayna leeyihiin Cadaab Daran.
17. Alle waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq iyo Miisaanka (caddaaladda); mana ogid waa intaasoo Saacadda (Qiyaame) Dhowdahay?
18. Kuwa aan rumeysneyn baa degdegsa- da12, halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan, waxayna og yihiin inay tahay Xaq. Kuwa uga doodana si gurracan arrinka Saacadda (Qiyaame) waxay ku sugan yihiin habow fog.
19. Alle waa u Roon yahay addoomahiisa. Wuxuu irsaaqaa cidduu doono, waana Xoog Badanaha, Adkaadaha ah.
20. Qofkii rabaa dalagga (kasabka iyo ajarka) Aakhiro, waan u kordhinnaa dallagiisa (ajarkiisa), Qofkiise raba dalag (ajar iyo kasab) adduunyo wax baan ka siinnaa, Aakhiradana kuma laha wax saami ah.
21. Mise waxay leeyihiin shurako (ilaahyo) u jideeyey diin uusan Alle idmin; haddayna jirin Kelmedda kala bixinta (Qiyaamada in la sugo oo dib loogu dhigo cadaabka), waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Daalimiintuna waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaame) cadaab xanuun badan.
22. Waxaad arki daalimiinta oo cabsi ka buuxdo waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), wuuna ku dhici iyaga, kuwase (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn.
23. (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Dheh: Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn jaceyl qaraabannimo. Qofkii kasbada wanaagna waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.
24. Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Alle? Hadduu doono Alle, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga13, Allena wuu tirtiri baadilka, kuna sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
25. (Alle) waa Kan ka aqbala toobada addoomahiisa ee cafiya denbiyada, wuuna Og yahay waxaad fashaan.
26. Wuxuu (Alle) ajiibaa kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Gaaladuna waxay leeyihiin Cadaab Daran.
27. Hadduu Alle u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay ku kibri lahaayeen arlada, Wuxuuse u soo dejiyaa qaddar waafaqsan siduu rabo. Alle addoomahiisa waa u Xog ogaal, Arkaa.
28. (Alle) waa Kan soo dejiya roobka kaddib markay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa. Waana Isaga Gargaaraha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo.
29. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa (muujin Weynadiisa iyo Awooddiisa) abuurista samooyinka iyo arlada iyo wuxuu ku fidiyey (abuuray) dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Alle inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu Karaa.
30. Wixii idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay kasbadeen gacmiihiinnu (oo denbiyo ah), Wuxuuna (Alle) idinka cafiyaa wax badan.
31. Kumana baxsan kartaan dhulka, mana lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
32. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah.
33. Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan.
34. Ama waa intaasoo uu u halligo14waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.
35. Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan.
36. Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta.
37. Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya.
38. Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.
39. Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca15 (xad gudub la'aan).
40. Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka).
41. Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo).
42. Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan.
43.Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi16 waa arrin loo qasdo (la jecel yahay).
44. Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u toobad keenno).
45. Waxaad arki (gaalada) iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal, daalimiintu waxay ku sugnaan (Qiyaamada) cadaab ma guuraan ah.
46. Uma sugnaan awliyo (sokeeyayaal) u soo gargaari Alle ka sokow. Qofkii uu Alle lumiyo, uma sugna wax jid ah (uu ku tooso).
47. Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Alle ah aan la celin karin. Ma leh meel aad magan gashaan Maalintaas, mana inkiri kartaan denbiyadiinna17.
48. Hadday jeesadaan, kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Markaanna dhadhansiinno Aadmiga naxariis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, haddayse musiibo gaadho waxay horay gacmahoodu u faleen darteed ah, Aadmigu wuu abaal dhac badan yahay.
49. Alle baa iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada, Wuxuu abuuraa Wuxuu doono; Wuxuu ugu deeqaa qofkuu doono gabdho, oo ugu deeqaa qofkuu doono wiilal.
50. Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, wuxuuna ka dhigaa qofkuu doono ma dhaleys. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Awood Badan.
51.Uma suurowda in Aadmi uu Alle toos ula hadlo Waxyi mooyee, ama kala hadlo daah gadaashi ama uu u soo diro Rasuul (malag ah) oo Idanki wuxuu doono ugu waxyooda. Hubaal (Alle) waa Sarreeye, Xakiim ah.
52. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Ruux (Qur’aan) Amarkayaga ah, ma aadan ogeyn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Waxaanse ka yeelnay Nuur aan ku hanuuninno ciddaan doonno oo ka mid ah addoomahayaga. Adiguna (Nabi Muxammadow) waxaad ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan (Islaamka).
53. Jidka Alle, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ogaada, xagga Alle bay u ahaan umuuraha oo idil (wuuna idin abaal marin, qof walba iyo camalki).