The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Smoke [Ad-Dukhan] - Somali translation - Jacob
Surah The Smoke [Ad-Dukhan] Ayah 59 Location Maccah Number 44
1. Xaa Mim2.
2. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
3. Waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3.Waxaanu nahay kuwa diga (soo dira Rusul oo soo dejiya Kutub).
4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.
5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),
6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.
8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.
10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.
11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.
12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka4, waan rumeynaye".
13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).
14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.
15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).
16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn5. Hubaal waanu aarsan.
17. Waxaanu imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).
18. Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Alle6. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
19. Hana iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.
20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan7
21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).
22. Markaasuu (markay beeniyeen oo rumeyn diideen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.
23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.
24. Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".
25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo.
26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.
27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (ilmahii Israa’iil).
29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.
30. Waxaana ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.
31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.
32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo og.
33. Waxaana siinnay calaamado9 ay ku sugnaayeen imtixaan cad.
34. Kuwaasi (gaaladu) waxay leeyihiin:
35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.
36. Ee (dib) u soo cesha Aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.
37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.
38. Umana aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.
39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.
40. Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan.
41. Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn.
42. Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan.
43. Hubaal geedka Zaquumka,
44. Waa cunnada denbiilaha,
45. Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada).
46. Sida kar-karka biyo aad u kulul.
47. (Waxaana la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda.
48. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya.
49. (Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh11.
50. Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen.
51. Kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno).
52. Beero dhexdood iyo ilo.
53. Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
54. Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn.
55. Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon12.
56. Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan.
57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni.
58. Waxaan ugu fududaynay (Qur’aanka) carrabkaaga inay ku waantoobaan.
59. Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan).