The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe wind-curved sandhills [Al-Ahqaf] - Somali translation - Jacob
Surah The wind-curved sandhills [Al-Ahqaf] Ayah 35 Location Maccah Number 46
1. Xaa Miim2.
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
3. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah).
4.Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan.
5. Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?
6. Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira.
7. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad.
8. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan (oo been ah)3. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
9. Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha4 mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.
10. Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil5 inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey6 halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
11. Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen7 rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.
12. (Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah.
13. Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada8, ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.
14. Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed.
15. Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu u samo falo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu toobad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta.
16. Kuwaa weeye kuwa aanu ka aqbalno camalkooda fiican oo aan iska dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha - ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday.
17. Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saarayo iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Waxayna labadiisa waalid gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh wiilkooda): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Ballan qaadka Alle waa Xaqe. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxaan aheyn sheekooyinkii kuwii hore.
18. Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Waa kuwo khasaaray.
19. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoon la dulmineyn.
20. Maalinta marka kuwa xaqa diida loo soo bandhigi Naarta (waxaa lagu odhan): Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka oo ku raaxaysateen in muddo ah, maantase waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, waxaad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiin- na darteed.
21. Xus (reer) Caad walaalkood9, markuu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) dhab ahaanna digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin Daran.
22. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxaad noogu gooddiso, haddaad run sheegeyso.
23. Wuxuu yidhi: Alle baa ku Cilmi leh (goorta caddibaaddiinna), anigu waxaan idin soo gaarsiin Fartiinta la ila soo diray, waxaanse arkaa inaad tihiin qolo moog (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
24. Markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni.Ma jirto’ ee waa waxaad dalabteen in la soo dedejiyo10. Waa dabeyl leh cadaab xanuun badan.
25. Ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaasay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda denbiilayaasha ah.
26. Waxaanu u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo laabo, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo laabahoodii, waayo waxay dafireen Aayadaha Ilaahay, waxaana ku dhacay oo koobay waxay ku jees-jeesayeen.
27. Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, waxaana ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo denbiyada).
28. Maxay ugu soo gargaari waayeen kuway ka dhigteen Alle ka sokow ilaahyo11 si ay ugu dhoweeyaan Alle? Mayee’ way ka dhumeen, kaasina waa baadilkoodii iyo waxay been abuuran jireen.
29. (Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaystay Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya.
30. Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan (Islaamka).
31. Tolkanagow! Raaca daaciga Ilaahay12 oo aamina, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi den- biyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan.
32. Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad.
33. Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara.
34. Maalinta loo soo bandhigi kuwa xaqa diida Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed.
35. Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen13, hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabkooda). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn dadka caasiyiinta ah.