The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe private apartments [Al-Hujraat] - Somali translation - Jacob
Surah The private apartments [Al-Hujraat] Ayah 18 Location Madanah Number 49
1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Ilaahay iyo Rasuulkiisa2, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.
2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida uu ugula tannaagoodo qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn.
3. Kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
4. Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad.
5. Hadday samri lahaayeenna intaad uga soo bixi,baa u khayr badnaan laheyd, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadduu mid caasi ah idiinla yimaado war, iska hubiya, si aydaan wax ugu yeelin dad ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen.
7. Ogaadana inuu idinku dhex jiro Rasuulkii Ilaahay, hadduu idinka yeeli lahaa in badan oo arrimo ah, waa dhibtoon laheydeen, Alle baase idin jeclaysiiyey Iimaanka kuna qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo. Kuwaasi waa kuwa hanuunsan.
8. Waa Deeq xag Ilaahay ah iyo Nicmad, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
9. Hadday labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi daggaalamaan, ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku xadgudubto tan kale markaa la dirira tan xadgudubtay jeer ay u soo noqoto Amarka Ilaahay, hadday u soo noqoto, heshiisiiya dhexdooda si caddaalad ah, oo caadil ahaada. Alle wuu jecel yahay kuwa caadilka ah.
10. Mu’miniintu waa uun walaalo3. ee heshiisiiya walaalihiin, Allena ka cabsada, si uu idiinku naxariisto.
11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina (ha is nacina hana is xasdina), oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib Iimaanka. Qofkaan toobad keennina (oo Xaqa u soo laaban oo aan u muujin walaalladi maxabbad, maamuus iyo qalbi san) waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.
12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dheeraada malaha badanki, malaha qaarki waa denbi. Ha is jaasuusina, qaarkiinna yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, hubaal Alle waa Toobad Aqbal Badane, Naxariis Badan.
13. Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (xilkuu Alle idin saaray ee ka jooga xumaha). Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah, Xeel Dheer.
14. Reer miyigii (degganaa Madiinah hareeraheeda) waxay yidhaahdeen: Waanu rumeynay (Xaqa). Dheh: Ma aydaan rumeynin (weli) dhahase, waanu islaamnay (hoggaansannay); waayo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Haddaadse adeecdaan Alle iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimayo ka mid ah acmaashiinna. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
15. Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad s.c.w). markaas aan shakiyin, una hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Alle. Kuwaasi waa kuwa runlowyda ah.
16. Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Alle (xaalka) diintiinna (iyo camalladiinna) Isagoo Alle og yahay waxaa ku sugan samooyinka iyo waxaa ku sugan arlada, Alle wax walba wuu Og yahay.
17. Waxay kuugu abaal sheegan inay islaameen darteed. Dheh: Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Alle baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddaad run sheegeysaan.
18. Hubaal Alle baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.