عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Table Spread [Al-Maeda] - Somali translation - Jacob

Surah The Table Spread [Al-Maeda] Ayah 120 Location Madanah Number 5

1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha1 aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga markaad xidhataan (Xajka ama Cumrada), Alle wuxuu xukumaa wuxuu doono.

2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha banneysan- nina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Alle iyo bil xurmad gaar ah leh midna, hana ( fara gelina) hadyiga, iyo xoolaha la luqun xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Beytka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), yeysanna naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Isuguna kaalmeeya sama falka iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isugu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay.

3. Waxa la idinka xaaraameeyay waa baqtiga, dhiig, hilib doofaar, iyo wixii lagu xuso (gowraco) waxaan magac Alle ahayn, iyo xoolaha lagu dilo ceego, ama jug, ama meel ka soo dhacay, ama hirdin - iyo wuxuu cuno dugaag2 - waxaad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa loo (gowraco) asnaamta, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku kala qaybsataan ama ku nasiib doonataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maantayna gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga (Alle) Keliya iga baqa. Maantaan3 idiin dhammeystiray diintiinna, oo idiin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan. Qofkii se ay ku qasabto gaajo daran (inuu cuno baqtiga) isagoo aan u dan laheyn u iilasho denbi, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.

5. Maanta (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; cuntada (xoolaha ay gowracaan) kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waa idiin xalaal, cuntadiinnuna waa u xalaal iyaga. (Oo waa idiin xalaal guursiga) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn kana yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Qofkii beeniyana Iimaanka, waxaa bura camalkiisa, Aakhiradana wuxuu ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.

6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (iyo dhegahiinna intooda korreysa oo muuqata iyo intooda gudaha ahba), meyrana lugahiinna ilaa canqawyada. Haddaad janaaba qabtaan, meyrta, haddaad bugtaanna ama safar tihiin ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro ama aad taabateen haween oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Alle inuu idin kor dhigo wax dhib ah, wuxuuse rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahdisaan (af, uur, iyo addinba).

7. Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna (waa Islaamka) iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: 'Waan maqallay waana adeecnay,' oo Alle ka cabsada (dhowrana xilkuu idin saaray). Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaadna ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.

15. Ehlu Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxaad qariseen ee Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka midka ah (sida tilmaamaha Nabi Muxammad), oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Alle Nuur iyo Kitaab cad (Qur’aanka).

19. Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. (Haatan) waxaa idiin yimid bishaareeye iyo dige. Allena wax walba wuu Karaa.

22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Waxaa jooga halkaa qolo xoog badan (haraagii reer Caad oo ahaa dad dhaadheer oo xoog badan oo mushrikiin ah), mana galeyno jeer ay ka baxaan; hadday ka baxaan markaas baanu gali.

25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo qolodaa caasiyiinta ah.

27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood*, oo aan laga aqbalin kii kale*. (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Alle wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.

30. Markaasay u qurxisay naftiisii dilka walaalki (Haabiil); oo uu dilay4, wuxuuna ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad.

39. Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Alle wuu ka toobad aqbali. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday) qaata, haddiise aan la idin siinin (oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal), markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkuu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab daran.

43. Sidee bay kaaga dhigan garsoor, iyagoo heysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Alle (oo cad oo ah in dhagax lagu dilo cidday ku caddaato zino iyagoo guur horey u soo maray)?. Markaasna ay jeestaan intaasi ka ddib. Kuwani ma aha mu’miniin.

48. Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu doono Alle, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen.

59. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeynay Allaah, iyo waxa naloo soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal.

62. Waxaad arkeysaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda denbiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado. Xumaan badanaa waxay falaan.

65. Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (shirkiga iyo denbiyada kale ee waaweyn) waxaan u asturi lahayn xumahooda (denbiyada yar yar), waxaana galin laheyn beero barwaaqo ah (Janno).

69. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan), kuwii heystay Yuhuudiyadda, Saabbi’iintii, iyo Nasaaradii (ahaa Nabi Muxammad horti) - qofkii rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo sama falay, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.

71. Waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa), haddana Alle wuu ka toobad aqbalay, haddana in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa). Allena wuu arkaa waxay falaan.

74. Miyeyna u toobad keeneyn Alle oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

78. Kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen.

84. Maxaanaan u rumeyneyn Alle iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa).

93. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday iska jiraan xumaha (oo gutaan xilka saaran diin ahaan), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibka saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Allena wuxuu jecel yahay sama falayaasha.

95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha12 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Allena waa Adkaade, Aar goosi leh.

96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro), dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.

99. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dadka Diinta Alle). Allena wuu Ogyahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaanba.

102. Dad idinka horreeyey baa keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo Xaqa diida oo ku gaalooba.

103. Ma uusan amrin Alle (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) gaaladuse waxay ka been sheegaan Alle, badankooduna ma laha garasho.

105. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiin sheegi waxaad camal falayseen.

107. Markaa haddii la ogaado inay muteen denbi, labo kale baa meeshooda joogsan (oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddaan xadgudubno) waxaanu markaa ka mid ahaan daalimiinta

110. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; iyo markaan ku baray Qoraalka, Xikmadda, Tawraadda, iyo Injiilka; iyo markaad ka yeelaysay dhoobo wax u eg shimbir Aniga Idankay, oo aad afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo aad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha Idankayga, oo aad ku soo saartay meytida Idankeyga. Markaan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.

116. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Alle ka sokow? Wuxuu odhan: Xurmoo dhan Adigaa (Allow) leh oo ka hufan (xumaan)! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan.

117. Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin, Waxaana anigu markhaati ka ahaa intaan la joogay, markaad se anigoo hurda (dhimasho la'aan kor ii qaadday anigoo isku dhan jidh iyo ruuxba), Adigaa dhowrayey dhowrid dhan oo joogto ah, Adigaana Marag ka ah wax walba oo u jeeda.

118. Haddaad cadaabeyso, waa addoommahaaga, haddaad u denbi dhaafeysona, Adigaa ah Adkaadaha aan laga adkaan, Xakiimka ah (Falka iyo Odhaahda san).

120. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ah, Allena wax kasta (uu doono) wuu Karaa.