The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe moon [Al-Qamar] - Somali translation - Jacob
Surah The moon [Al-Qamar] Ayah 55 Location Maccah Number 54
1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal2.
2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.
3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino).
5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid).
6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran3.
7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
13.waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan kan la diiday Nuux cs).
15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
17. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
22. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn5.
26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo6.
28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.
29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood (habaar qabe Qudaar) oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).
30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
31. Waxaan ku soo dirnay dushooda Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.
32. Waxaanu sahalnay Qur'aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.
34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.
35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa kan (Alle ku) shukriya (af, uur iyo addinba).
36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.
37. Oo waxay dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.
38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.
39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.
40. Waxaanu sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi?
41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.
42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.
43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?
44. Mise waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.
45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.
46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.
47. Kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.
48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.
49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.
50. Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.
51. Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?
52. Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda).
53. Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka).
54. Kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno).
55. Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah.