عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

She that disputes [Al-Mujadila] - Somali translation - Jacob

Surah She that disputes [Al-Mujadila] Ayah 22 Location Madanah Number 58

2. Kuwa idinka mid ah ee isaga xaaraantimeeya2 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwa dhalay. Kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allena waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.

3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

4. Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban (galmoon)3; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwaasi waa soohdimaha Alle (ee ha dhaafina). Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.

14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.

16. Waxay (munaafiqiintu) ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Alle, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa.

21. Alle wuxuu qoray- hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.