The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesShe that is to be examined [Al-Mumtahina] - Somali translation - Jacob - Ayah 10
Surah She that is to be examined [Al-Mumtahina] Ayah 13 Location Madanah Number 60
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٖ فَٱمۡتَحِنُوهُنَّۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّۖ فَإِنۡ عَلِمۡتُمُوهُنَّ مُؤۡمِنَٰتٖ فَلَا تَرۡجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلۡكُفَّارِۖ لَا هُنَّ حِلّٞ لَّهُمۡ وَلَا هُمۡ يَحِلُّونَ لَهُنَّۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُواْۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّۚ وَلَا تُمۡسِكُواْ بِعِصَمِ ٱلۡكَوَافِرِ وَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقۡتُمۡ وَلۡيَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقُواْۚ ذَٰلِكُمۡ حُكۡمُ ٱللَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡۖ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ [١٠]
10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadday idiin yimaadaan haween mu’minooyin ah iyagoo ka soo haajiray (gaalada), imtixaama (inuu dhab ka yahay Iimaanka iyo in kale); Alle baa aad u ogsoon iimaankooda, haddaad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, umana aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya (nimakoodii hore ee gaalada ah waxay bixiyeen) meher ahaan. Ma jiro wax denbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan markaad siisaan meherradooda, hase u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah xaasas ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) waxaad bixiseen (meher ahaan) iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo waxay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Ilaahay, Isaga baa idin kala xukumi. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.