The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Ranks [As-Saff] - Somali translation - Jacob
Surah The Ranks [As-Saff] Ayah 14 Location Madanah Number 61
1. Waxaa xurmo weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin (oo ugu baaqdaan dadka) wax aydaan falin?
3. Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan (oo fartaan dadka) wax aydaan falin.
4. Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa iyagoo saf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey.
5. (Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda2. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah (madaxa adag).
6. (Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad3. Markiise uu ula yimid Xujooyin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.
7. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle isagoo loogu yeedho Islaamka? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.
8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay Nuurka Alle (Xaqa) ku damiyaan afafkooda. Alle se waa taam yeeli Nuurkiisa haba naceen gaaladuye.
9. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa (Muxammad) hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (khilaafsan) oo dhan, haba naceen mushrikiintuye.
10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ma idin tusaa ganacsi idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan.
11. (Waa) inaad rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad) oo u jihaaddaan Jidka Alle idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna, sidaasaa idiin khayr badan haddaad og tihiiin.
12. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idin gelin Jannooyin (Beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya (ee Jannada), kaas baa ah Liibaanta Weyn.
13. Arrin kaloo aad jeceshihiinna (wuu idin siin) gargaar xag Alle ah iyo guul dhow. Ee u bishaaree mu’miniinta.
14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Alle, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Alle? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Alle, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay muuqdeen (oo ka taliyeen arlada).