عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The congregation, Friday [Al-Jumua] - Somali translation - Jacob

Surah The congregation, Friday [Al-Jumua] Ayah 11 Location Madanah Number 62

1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, (Alle) waa Boqorka, Daahirka, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

3. (Wuxuu sidoo kale u diray) kuwo kale oo ka mid ah aan weli ku soo biirin. Allena waa Aadkaadaha Sare, Xikmadda Badan.

4. Arrinkaasi (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaahay uu siiyo cidduu doono. Allena waa deeq iyo Fadli weyn yahay.

7.Ma jeclaanayaanna weligood (dhimasho) waxay gacmahoodu horay u geysteen darteed (oo denbiyo ah), Allena waa Og yahay daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

8. Waxaad ku dhahdaa: Geerida aad ka carartaan, way idinla kulmi, markaasaa dib la idiinku soo celin xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Wuxuuna idiin sheegi (idinka jaazeyn) waxaad camal fali jirteen.

10. Markase salaadda la dhammeeyo, ku kala faafa arlada, dalbana Deeqda Ilaahay (macnaha waa aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san) xusana Ilaahay (oo ku salliya Nabiga) in badan aad liibaantaane.

11. Mar ay arkeen ganac ama madaddaallo way u kala yaaceen xaggeeda, kaana tageen (Nabiyow) adigoo taagan (oo khudbo jeedin). Dheh: Waxa Alle uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganacsi kasta. Allena waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda.