عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Hypocrites [Al-Munafiqoon] - Somali translation - Jacob

Surah The Hypocrites [Al-Munafiqoon] Ayah 11 Location Madanah Number 63

1. Markay munaafiqiintu kuu yimaadaan (Nabi Muxammadow) waxay yidhaahdaan: Waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuul Ilaahay2. Alle waa Og yahay inaad tahay Rasuulkiisa, Allena wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.

3. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan) bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaasaa quluubtooda la daboolay, sidaas awgeed wax ma fahmaan.

4. Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey3 oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?

8. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi (waxay ula jeedaan Cabdullaah bin abii Salool, madaxii munaafiqiinta) wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi (waxay ula jeedaan Nabi Muxammad, Rasuulul Laah). Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, munaafiqiintuse ma oga.