The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesMutual Disillusion [At-Taghabun] - Somali translation - Jacob
Surah Mutual Disillusion [At-Taghabun] Ayah 18 Location Madanah Number 64
1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle baana leh Boqortooyada, oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahad, oo wax walba Kara.
2. Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Allena wuu Arkaa waxaad fashaan.
3. Wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada).
4. Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Alle waa ogaha waxa ku jira laabaha (dadka).
5. Miyuusan idin soo gaadhin warka kuwii gaaloobay awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?
6. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa), Allena uma baahna (cidna) oo Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.
7. Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay.
8. Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Nabi Muxammad) iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Alle waa ka war hayaa waxaad fashaan.
9. Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka2, taasu waa maalin kedo uu qof khayr heli (mu’minka) ama ku dhici khasaaro weyn (gaalka). Qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu (Alle) ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.
10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.
11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Qofkiina rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay.
12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.
13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu.
14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan3, Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).
16. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle intii karaankiinna ah4; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.
17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Alle darti ama deymisaan walaal Muslim ah deyn aan kor saar lahayn), Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Allena waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.
18. Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah.