عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Divorce [At-Talaq] - Somali translation - Jacob

Surah Divorce [At-Talaq] Ayah 12 Location Madanah Number 65

1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka2, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), dhowrana (xilkuu idin saaray) Allaah, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Allaah. Qofkiina ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Allaah, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub4.

2. Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkiina dhowra (xilkuu saaray) Allaah (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta).

4. Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka, kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan6. Qofkii dhowra (xilkuu saaray) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.

6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi (dhanka hab dhaqanka, degaanka iyo masruufka si ay isu madax furtaan). Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is fara dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin 7.