عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The heights [Al-Araf] - Somali translation - Jacob

Surah The heights [Al-Araf] Ayah 206 Location Maccah Number 7

1. Alif Laam Miim Saad*.

2. (Kani Qur’aanku) waa Kitaab aanu kuu soo dejinnay (Nabiyow), ee yeysan ahaan laabtaadu wax dhib (cidhiidhi) ah xaggiisa, inaad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta.

3. Raaca (dadow) waxa (Qur’aanka) la idiinka soo dejiyey xagga (Alle) Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan oo u yeedhataan, gargaarna weydiistaan ).Yaraa intaad waantowdaan.

4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah.

6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka iyo waxa loogu jawaabay).

7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan.

8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani.

11. Waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam (sujuud salaan ah). Markaasay sujuudeen (macnaha rukuuceen) Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad darti).

12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo.

13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.

14. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Ii sug oo i sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo (Qiyaamada).

15. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugi ee la siiyey fursadda (ilaa Qiyaamada).

16. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sidaad u sababtay inaan lumo darteed, Waxaan aniguna u fadhiisan (aadmiga) Jidkaaga Toosan (ee Islaamka).

18. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax (Jannada) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii ka mid ah oo ku soo raaca, waxaan idinka wada buuxin Jahannama dhammaantiin.

21. (Magaca Alle buuna) ugu dhaartay (isagoo leh): Waxaan anigu wallee idiin ahay daacad.

23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray.

25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin (Qiyaamada).

29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad iyo inaad u jeedisaan wejiyadiinna Xaggiisa keliya (waa inaydaan caabudin cid kale Isaga mooyee una jeesataan qibladda, Kacbada Makkah ku taal waqti kasta oo salaad) meel kastoo cibaado (masaajidda iyo arladoo dhan), baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan.

33. Dheh: Wuxuu Rabbigay xaareemeeyey xumaha oo dhan (zinada, dhilleysiga, iwm) si caddaan ah loo falo iyo qarsoodiba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada (dulmiga iyo aabiga), iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Alle wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Alle waxaydaan aqoon u laheyn.

34. Ummad walba (oo gaalowda) waxay leedahay ajal(muddo) go’an (halaaggooda); markay ajashoodu timaaddona kama dib dhacaan saacadna, kamana soo hor maraan.

41.Waxay ku leeyihiin Jahannama gogollo dab ah, korkoodana waxaa ah daboollo dab ah. Sidaasaanna u abaal marinnaa daalimiinta (gar diidka).

43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen (jidka toosan ee Islaamka) haddii uusan Alle nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fasheen.

45. Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle (Islaamka), ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysneyn.

46. Dhexdooda waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxayna u dhawaaqi ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu (kuwa ku sugan meelaha sare Al acraaf) weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo.

48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa).

53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen (waayeen) waxay (ilaahyo) been abuuran jireen (oo wax uma tarin waayo wax jira ma aheyn).

60. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: waxaan kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow cad.

62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha (Alle) Rabbigay (iyo Rabbigiinba), waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn.

63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto.

65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha).

66. Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, waxaana kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha.

68. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha (Alle) Rabbigay (iyo Rabbigiinba), waxaana idiin ahay nasteexeeye aamin ah.

70. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Alle Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxaad noogu gooddido haddaad run sheegeyso.

77. Markaasay boqna gooyeen hashii (gowraceen); oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, waxayna yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen cadaabka aad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha (Alle).

78. Markaasuu qabtay dhul gariir, waxayna noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan degaankooda dhaqdhaqaaq la’aan.

79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii (Alle) Rabbigay (iyo Rabbigiinba), idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya.

80. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku yidhi tolkiisii: Ma waxaad la timaaddaan xumaato (khaniisnimo) aanu idiinka horreyn cidna ka mid ah caalamka?

83. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal (cadaabka).

88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diintayada. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn.

90. Xildhibaannadii gaalowday oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi tihiin kuwo khasaaray.

93. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Farriimahii (Alle)Rabbigay (iyo Rabbigiin) oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan ugu diir naxaa qolo xaq diid ah (gaalo).

98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya?

107. Markaasuu (Muuse) wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas cad (muuqda).

108. Wuxuuna u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha.

109. Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon yidhaahdeen: Kani waa saaxir xeel dheer.

111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah)oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka.

114. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haa yoo, waxaadna ahaaneysaan kuwa la ii soo dhoweeyo.

117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen.

118. Marka xaqii baa sugnaaday, oo baabba' iyo balaan jirin waxaa noqday waxay falayeen.

119. Sidaasaa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo ay noqdeen kuwo la jabiyey.

120. Sixiroolayaashiina ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Alle).

125. Waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu u noqon xagga (Alle) Rabbigayo.

127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan oo u addoonsanno), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya.

128. Muuse wuxuu ku yidhi qolodiisii: Ka barya kaalmo Alle oo samra, arlada waxaa iska leh Alle, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, cidhibta (sanna) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha oo ku dhaqma diinta Alle).

129. Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intaad noo imaan iyo kaddib intaad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi sida aad u dhaqantaan.

135. Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaadhaan, bay markaas ka baxeen ballanka.

138. Waxaana ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana siday iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu (Muuse) yidhi: Waxaad tihiin qolo moog oo aan garaneyn (Weynida Alle iyo Haybaddiisa iyo waajibka idin saaran oo ah inaad caabuddaan Alle oo keliya oo waxbana u shariig yeelin).

141. Xusuusta markaan idinka samata bixinnay reer Fircoon ee idin dhadhansii- yey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiin- na, oo u deynayey haweenkiinna nolol (si ay ugu adeegtaan). Arrinkaana waxaa ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.

142. Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, kuna taam yeelnay inaan ku darno toban dheeri ah, marka muddada ballanka Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: Qabo xilkeyga qolodeyda dhexdood intaan maqnahay , una dhaqan si wanaagsan, hana raacin jidka kuwa wax fasahaadsha.

143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii3, wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu toobad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.

144. (Alle) wuxuu yidhi: Muusow! Waxaan kaa doortay dadka (waqtigan si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kula soo diray iyo Hadalkeyga ee qaado waxaan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa (ku) mahdiya (Alle).

148. Waxay ka yeesheen qolodii Muuse markuu ka soo tagey kaddib (si uu wada hadal ula yeesho Rabbigi, waxay ka yeesheen) dahabkoodii dibi qolof ah leh cod beynaax ah (ay caabudaan)4. Miyaanay arkaynin inaanu la hadleyn, kuna toosineynin jid? Wayse yeesheen (si ay u caabudaan) waxayna ahaayeen daalimiin.

151. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii denbi dhaaf aniga iyo walaalkay, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata.

155. Wuxuu ka doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad halaagi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo halaageysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo denbi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta.

156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakada bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.

159. Waxaa ka mid ahaa qolodii Muuse qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda.

160. Waxaana u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Waxaana u Waxyoonnay Muuse markay qolodiisii weydiisteen biyo: Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Waxaana ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (kimis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan - Samaan): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Namana ayan dulmin innagee, waxayse dulmeen nafahooda (oo u soo jiideen shar).

161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)6 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.

168. Waxaana ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay u soo laabtaan (adeecidda Alle).

169. Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo denbi dhaafi. Hadduu u yimaado (mar kale) alaabo (raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaataan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka (Towraadda) in aanay ka sheegin Alle waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha). Ee miyeydaan wax fahmeyn?

170. Kuwase qabsada Kitaabka oo iyaga ka mid ah (kuwooda soo islaamay) oogana salaadda, Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya.

171. (Xus) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale).

173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore8, waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?

175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii (reer banii Israa'iil ahaa waa Balaam ina Bocor) aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan.

178. Qofkii Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkiina uu dhumiyo (ku adkeysashadiisa denbiga iyo diiddadiisa Xaqa darteed),waa kuwaa kuwa khasaaray.

181. Waxaa ka mid ah waxaan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa (ummadda Nabi Muxammad), kuna ooga caddaaladda

182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban) meel aanay ogeyn.

183. Waxaana siin waqti, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay.

186.Qofkii Alle lumiyo ma leh hanuuniye; wuxuuna ku daayaa xadgudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan.

189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) ku hagoogto (xaaskiisa) bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markay cuslaato, waxay labaduba baryaan Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.

190. Markase uu siiyo (tafiirta Aadam iyo Xawwaa) dhal hagaagsan, waxay u yeelaan wax la wadaaga (shariigyo) wuxuu siiyey10. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).

191.Ma waxay la wadaajin Alle (cibaadada) waxaan waxna abuurin,iyagana la abuuray?

196. Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan.

199. (Muuji cafis iyo masaamax oo) qaado waxa fudud (ee la heli karo dhib la’aan), amarna wanaagga, kana jeeso jaahiliinta.

202. Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan.

203. Haddaad (Nabiyow) ula iman weydo calaamo (mucjiso siday rabaan ah) waxay yidhaahdaan: Maxaad u keeni weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani waa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.

206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan11.