The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Ascending stairways [Al-Maarij] - Somali translation - Jacob
Surah The Ascending stairways [Al-Maarij] Ayah 44 Location Maccah Number 70
1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda (gaalada loo soo dedejiyo)2.
2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -
3. Kaga iman xagga Alle, Rabbiga leh Darajooyinka sare, haybadda, Sarreynta, Sharafta iyo samooyinka koreba ee waddooyinka leh kor loogu aado.
4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.
5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.
6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.
7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.
8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban.
9. Buuruhu noqon sida cudbi la dhilay.
10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.
11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.
12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki.
13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,
14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.
15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.
16. Diiraneysa haragga Madaxa.
17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.
18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).
19. Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.
20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.
21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).
22. Kuwa salaadda tukada mooyaane.
23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;
24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.
25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.
26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).
27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.
28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.
29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.
30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.
31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.
32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;
33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;
34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,
35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.
36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.
37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?
38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?
39. Mayee, Waxaan ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).
40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan Karno;
41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.
42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.
43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.
44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).