The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesNooh [Nooh] - Somali translation - Jacob
Surah Nooh [Nooh] Ayah 28 Location Maccah Number 71
1. Waxaanu u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan.
2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.
3. Ee caabuda Alle oo keliya, oo ka cabsada, anigana (Nabigiinna ah) i adeeca.
4. Wuxuu 'Alle' idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin.
5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.
6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.
7. Mar kastoo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda2, oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.
8. Haddana waxaan ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cod kore ah.
9. Waxaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay3.
10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.
11. Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;
12. Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal.
13. Maxaad leedihiin aydaan uga heybeysan Alle?
14. Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).
15. Miyeydaan arag sida Alle u abuuray toddobada samo ee kala korreeya.
16. Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?
17. Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).
18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub).
19. Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan.
20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah.
21. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, waxayna raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro.
22. Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn.
23. Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina (gaar ahaan) Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar.
24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta (gar diidka ah) waxaan aheyn habow.
25. Gefafkoodii dartood baa loo harqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Alle sokadi.
26. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna.
27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.
28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn baabba’.