The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe enshrouded one [Al-Muzzammil] - Somali translation - Jacob
Surah The enshrouded one [Al-Muzzammil] Ayah 20 Location Maccah Number 73
1. Kani isku duuduubayow maryaha (Nabigaa loola jeedaa)!2.
2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.
3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.
4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.
5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus3.
6. Habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan4.
7. Waxaad leedahay inta maalinta ah howl dheer.
8. Xus Magaca (Alle) Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan (Isagoo Keliyana isku hallee oo tala saaro).
9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).
10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.
11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.
12. Waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.
13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.
14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.
15. Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul (Nabi Muxammad s.c.w), markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.
16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulkii (loo diray Muuse c.s.), markaasaan qabannay qabasho daran.
17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.
18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.
19. Aayadahani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi (Alle) jid.
20. Rabbigaa (Alle) waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira ay tukato. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo toobad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Ilaahay. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiistana Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.