The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe cloaked one [Al-Muddathir] - Somali translation - Jacob
Surah The cloaked one [Al-Muddathir] Ayah 56 Location Maccah Number 74
1. Kani ku dedanow dharka (Nabigaa loola jeedaa)!
2. Kac oo dig2,
3. Rabbigaa (Allaah) weynee.
4. Maryahaaga daahiri.
5. Fadarada (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.
6. Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.
7. Rabbigaa dartiisna u samir.
8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;
9. Maalintaasi waa maalin aad u Daran.
10. Gaalada aan u fududeyn.
11. Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).
12. Oo aan siiyey hanti ballaadhan.
13. Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah (u adeega).
14. (Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.
15. Haddana damci inaan u siyaadiyo;
16. Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga.
17. Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.
18. (Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;
19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.
20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.
21. Kaddib wuu eegay;
22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.
23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;
24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.
25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi.
26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).
27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?
28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.
29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa.
30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).
31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada (Alle) Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,
33. Iyo habeenka markuu tago.
34. Iyo waagu markuu caddaado.
35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
36. Digniin u ah dadka.
37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),
38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato.
39. Qolada midigta maahee.
40. Jannooyin (beero gudahood) waxay iska wareysan,
41. Xaalka denbiilayaasha:
42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?
43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada.
44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;
45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.
46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).
47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).
48. Marka waxba u tarimeyso shafeecada kuwa shafeeca.
49. Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?
50. Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan.
51. Ee ka soo cararay libaax?
52. Mayee, qof walba oo ka mid ahi wuxuu rabaa in la siiyo kitaab faahfaahsan (oo xag Alle ah).
53. Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay).
54. Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano.
55. Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato.
56. Ma waantoobayaanse in Alle doono maahee; waa Isaga Rabbiga mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Denbi Dhaafo.