The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe emissaries [Al-Mursalat] - Somali translation - Jacob
Surah The emissaries [Al-Mursalat] Ayah 50 Location Maccah Number 77
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.
2. Iyo dabeylaha sida daran u kaca.
3. Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;
4. Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan2.
5. Iyo malaa’igta keena Waxyiga
6. Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;
7. Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.
8. Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;
9. Oo samadu dildillaacdo,
10. Oo buuraha la rujiyo.
11. Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.
12. Maalintee baa loo dib dhigay?
13. Maalinta kala baxa (Qiyaamada).
14. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?
15. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
16. Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?
17. Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).
18. Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha.
19. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
20. Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?
21. Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),
22. Ilaa muddo la yaqaanno,
23. Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.
24. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
25. Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?
26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba4.
27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?
28. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
29. Aada waxaad beenin jirteen.
30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh5.
31. Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka.
32. Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .
33. Aad mooddo awr aydin ah.
34. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
35. Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.
36. Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan.
37. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
38. Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.
39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra.
40. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
41. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.
42. Iyo midho waxay doonaan ah.
43. Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed.
44. Sidaasaan u abaal marinnaa sama falayaasha.
45. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
46. (Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal.
47. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan6.
49. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
50. Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?