عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Those who drag forth [An-Naziat] - Somali translation - Jacob

Surah Those who drag forth [An-Naziat] Ayah 46 Location Maccah Number 79

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).

2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).

3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).

4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.

5. Iyo (malaa'igta) isku duwa arrin (walba) (si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada).

6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).

7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).

8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.

10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?

14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).

18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?

19. Oo aan kugu hanuunsho xagga (Alle) Rabbigaa si aad uga baqdo?.

20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd (gacantii ifeysay ama ushii maska weyn noqoneysay).

21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.

22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.

23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.

25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).

26. Arrinkani waxaa ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.

28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.

29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).

33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.

43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.

44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).

46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku negaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.