عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Spoils of war, booty [Al-Anfal] - Somali translation - Jacob

Surah Spoils of war, booty [Al-Anfal] Ayah 75 Location Madanah Number 8

1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa leh Allaah iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.

2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle (weyneyn iyo ka heybeysi), marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.

4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay leeyihiin darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda).

5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah (inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyin- ka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr), inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.

7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood (colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya) inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.

9. (Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta.

11. (Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.

14. Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada).

17. Idinku ma aydaan layn (gaalada), Alle baase laayey. Mana aadan ganayn4 markaad ganeysay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan Ganay, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.

18. Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada.

19. Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnu- na waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta.

22. Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn.

23. Hadduu Alle ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya.

29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhwortaan xilkuu idin saaray), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi, Allena waa Rabbiga iska leh Fadliga Weyn.

30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay, Allena waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.

31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.

32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).

38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay (8) . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).

39. La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Alle Keliya.Haddayse joojiyaan (shirkiga iyo gaalnimada), Alle waa arkaa waxay falaan.

42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeenna waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

43. Markuu Alle idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idin tusi lahaa iyagoo tiro badanna, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Alle baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).

44. (Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan.

49. Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise isku halleeya oo tala saarta Alle, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

55. Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada (madaxa adag, macangagga ah), marka ma ay rumeynayaan.

58. Haddaad ka cabsatona khiyaano xagga qolo (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Alle ma jecla khaa’imiinta.

59. Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan (wuuna soo qaban meelay gaaraanba).

60. U diyaarsadana waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin.

61. Hadday u iishaanna gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Alle. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh (iyo tababar fiican), waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (tababar fiican leh iyo samir iyo adkeysi), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah (macnaha waa qofkii wuxuu ku aadi toban iyaga ah), waayo waa dad aan wax fahmayn.

66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii (waa qofkii wuxuu ku aadi labo iyaga ah). Allena wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.

67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.

68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey16, waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.

69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

71. Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaanna waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey oo la laayey. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.