The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesDefrauding [Al-Mutaffifin] - Somali translation - Jacob
Surah Defrauding [Al-Mutaffifin] Ayah 36 Location Maccah Number 83
1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya.
2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah.
3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya.
4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).
5. Maalin weyn (Qiyaamada).
6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?
7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin.
8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay?*
9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan.
10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada).
12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah.
13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore.
14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood.
15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood.
16. Oo waxay gali oo ku guban Naar olol badan.
17. Waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen.
18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad).
19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?
20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan.
21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle).
22. Baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno).
23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka jannada ah).
24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay.
26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu.
27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah.
28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow.
29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah.
30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen.
31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu waa kuwo lunsan.
33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda.
34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada.
35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan.
36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?