عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The morning star [At-Tariq] - Somali translation - Jacob

Surah The morning star [At-Tariq] Ayah 17 Location Maccah Number 86

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.

2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?

3. Waa xiddiggaa iftiinka badan.

6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.

8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).

9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).

10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.

11. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.

12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),

13. Kani (Qur'aanku) waa hadal dhab ah oo cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).

15. (Gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.

16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.