The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Overwhelming [Al-Ghashiya] - Somali translation - Jacob
Surah The Overwhelming [Al-Ghashiya] Ayah 26 Location Maccah Number 88
1.Mawuusan kuu iman warka dabooshada (Qiyaamada).
2. Wejiyaal maalintaas waxay ahaan kuwo dullaysan (waa gaalada).
3. (Ku) howlan (shaqo dhib leh adduunka caabuddaada cid kale la jirka Alle), taag daran (Aakhirada, dulli daboolayo).
4. Gali Naar kulul.
5. Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa.
6. Ma laha wax cunto ah qodxo maahee.
7. Kaasoo aan waxna cayilineynin, gaajona wax ka tareyn.
8. Wejiyo Maalintaas waxay ahaan kuwo nicmeysan (waa wejiyada mu'miniinta).
9. Raalli ah dadaalkoodii darti.
10. Ku sugnaan Beer sare gudaheed (Janno).
11. Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah.
12. Waxaa ah dhexdeeda il socota.
13. Iyo sariirro la kor yeelay.
14. Iyo koobab diyaar laga dhigay.
15. Iyo barkimooyin la safay.
16. Iyo gogollo la fidshey.
17. Mawaysan fiirin geela, sida loo abuuray?
18. Iyo cirka, sida loo kor yeelay?
19. Iyo buuraha, sida loo taagay?
20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey?
21. Ee waani (dadka), waayo waxaad adigu (Nabiyow) uun tahay waaniye.
22. Ma tihid adigu mid qasab ku leh.
23. Qofkiise (Xaqa) ka jeesada oo gaalooba;
24. Wuxuu Alle ku cadaabi cadaab aad u weyn.
25. Hubaal waa Xaggayaga meel noqodkoodu;
26. Markaas hubaal Annagay na saaran tahay xisaabintooda.