عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Repentance [At-Taubah] - Somali translation - Jacob

Surah Repentance [At-Taubah] Ayah 129 Location Madanah Number 9

1. (Kani waa ogeysiis in) Alle iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin1 kuwa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).

3. Waa ogeysiis xagga Alle iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka2 inuu Alle barii ka yahay (dhammaan heshiisyadii lala lahaa) gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisu. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) toobad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Uguna bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.

6. Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn.

7. Sidee bay ugu lahaan karaan gaalada mushrikiinta ah axdi Alle agti iyo Rasuulkiisa aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh (Kacbada)? Ee intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Alle wuu jecel yahay kuwa ka cabsada (ee dhowra xilkuu saaray oo iska jira shirkiga iyo xumaha kale).

8.Sidee (baad axdi ula yeelan)halka markay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofi- yaan), intooda badanina waa caasiyaal.

15. Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Alle wuxuu ka toobad aqbalaa qofkuu doono, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

21. Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero (Jannooyin) ay ku dhex leeyihiin barwaaqo ma guuraan ah.

22. Iyagoo ku dhex waaraya waligood. Hubaa Alle agtiis waxaa yaal abaalgud Weyn (Janno).

31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan7.

35. Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen.

36. Tirada bilaha Alle agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Alle tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar (bilood oo) xurmad gaar ah leh (Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab). Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda (gaar ahaan iyo bilaha kaleba guud ahaan), oo la dagaallama gaalada Mushrikiinta ah wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaadana in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).

37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah10: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.

38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar.11

42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagi nafahooda, Allena wuu Og yahay inay yihiin beenalayaal.

46. Hadday (munaafiqiinta) doonayaanna inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: La fadhiista fadhiidyada (guryaha).

47. Hadday (munaafiqiinta) idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Allena wuu yaqaan daalimiinta.

50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.

53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo caasiyaal ah.

59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa18, iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.

60. Sadaqooyinka (Zakada19) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Alle uu gooyay. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

62. Waxay idiinku dhaaran Alle si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin.

65. Haddaad weydiisona (sababta duriddooda Muslimiinta iyo diintooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?

67. Munaafiqiinta iyo munaafiqaadka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda21. Waxay illoobeen Alle (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac dareeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi- qiintu waa iyaga kuwa caasiyaasha ah.

73. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (colka kula ah iyo dagaalka), kuna adadkow (oo yeyna kaa helin jileec), hoygooduna waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.

75. Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Alle25: (iyagoo yidhi) Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin Sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.

82. Ee ha qoslaan wax yar (adduunka), hana ooyaan wax badan (Aakhiro) abaal marin ahaan waxay kasbadeen (oo denbiyo ah).

83. Hadduu kuu soo celiyo Alle koox iyaga ka mid ah, oo ay kaa idan qaataan inay kula baxaan (jihaadka), dheh: ila bixi meysaan waligay, lana dagaallami meysaan cadow la jirkeyga; waayo waxaad ku raalli noqoteen inaad fadhiisataan (oo ka hartaan jihaadka) markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay (ee ka joogay jihaadka).

86. Marka la soo dejiyo Suurad amreysa: Rumeeya Alle oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka), oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa haree fadhiya (guryaha).

87. Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daboolay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan.

90. Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga (Madiinah hareeraheeda ah) iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii (munaafiqiintii ka midka ahaa ee) u been sheegay Alle iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa gaaloobay ee ka mid ah cadaab xanuun badan.

92. Mana (saarna eed) kuwa markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay ku bixiyaan (jihaadka).

93. Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo hodan ah deeqtoon. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Alle daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan).

97. (Qaar ka mid ah) reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah baa) ugu daran gaalnimo iyo munaafaqnimo, oo aan isku taxalujin inay ogaadaan soohdimaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi ahaan Rasuulkiisa; Allena waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.

98. Reer miyigaana (Madiina hareeraheeda ah) waxaa ka mid ah kuwo u arka waxay bixiyaan inuu yahay ganaax (iyo khasaaro), oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada).

102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun30. Waa intaasoo Alle ka toobad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

105. Dheh: camal fasha; marka Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan.

106. Kuwo kalena (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo toobada. Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

108. Ha isdhex taagin (hana ku tukan masjidkaa oo kale) waligaa. Masjid32 aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa mudan inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Allena wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya (iska daahiriya shirkiga, xumaha iyo najaasada).

110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda33 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo34. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

116. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Mana lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.

118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay (arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii)39, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey toobad san, si ay u toobad keenaan. Hubaal Alle waa Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.

119. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray), ahaadana la jirka kuwa runlowyada ah.

128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah(waa Nabi Muxammad s.c.w), ay murugo geliso waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.

129.Haddayse (ka) jeesadaan(Iimaanka iyo camalka san), dheh:Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn.