The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe morning hours [Ad-Dhuha] - Somali translation - Jacob
Surah The morning hours [Ad-Dhuha] Ayah 11 Location Maccah Number 93
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Barqada.
2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
9. Ee agoon, ha dhibin.
10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, caddee (oo ka mahad celi).