The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Fig [At-Tin] - Somali translation - Jacob
Surah The Fig [At-Tin] Ayah 8 Location Maccah Number 95
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka1.
2. Iyo Buurta Siinaay2.
3. Iyo magaaladan Aaminka ah (Makkah)3,
4. Waxaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya4.
6. Kuwase (Xaqa) rumeeya oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta? (Haayoo, wuu Yahay).