عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Clear proof [Al-Bayyina] - Somali translation - Jacob

Surah The Clear proof [Al-Bayyina] Ayah 8 Location Madanah Number 98

1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad.

2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah.

3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan.

4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid (waa Nabi Muxammad s.c.w iyo Qur'aanka).

8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Alle Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi oo ka dhowrsada xumaha.